Eastleigh (Islii) oo maantay laga dareemayay xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya ka taagan.



Jimco, June 10, 2011 (HOL) - Boqollaal Soomaali ayaa maantay salaaddii jimcaha kadib isugu soo baxay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Dadkan oo u badnaa dhalinyaro iyo haween ayaa socod ku soo maray waddooyinka kala duwan ee xaafadda iyagoo watay  calanka Soomaaliya isla markaana ruxayay sawirrada ra’iisul wasaaraha Soomaaliya , Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo).


Dad Soomaaliya oo isugu soo baxay Nairobi- Photo- Axmed Abdisamad (HOL) Jimco-10-June-2011


Mudaharaadayaasha ayaa ku dhawaaqayay erayo ay ka mid yihiin “ Doonimaynno labo Shariif” iyo “ Doonimaynno heshiiska Kampala” iyagoo markii dambana isugu soo ururay  Hoteladda Barakat iyo Grand Royal kuwaasoo ay deganyihiin qaar ka mid ah xildhibanaada Soomaaliya.

Dadkan oo aad u xammaasadaysnaa ayaa isku dayay inay gudaha u galaan Hoteelka Barakaat iyagoo qaarkoodna  Hiiraan Online u sheegay inay doonayaan inay hotelka kala soo baxaan xildhibaannada ku jira oo ay ku eedeeyeen inay mawqif cad iska taagi waayeen marxaladda uu dalku marayo.

Mudaharaadayaashu ma ahayn kuwa nidaamsan, mana jirin cid hogaaminaysay amaba khudbado u jeedisay, balse waxay u badnaayeen mawaadiniin xammaasadaysan oo muujinayay sida ay u diiddanyihiin heshiiska Kampala oo ay ku tilmaameen inuu yahay mid faragelin toos ah ku ah madaxbannaanida Soomaaliya sida ay qaar ka mid ah mudaharaadayaashu u sheegeen Hiiraan Online.

Waxaana ay dadkaani doonayaan in raysalwasaare Farmaajo uu xafiiska sii joogo iyagoo ku tilmaamay inuu yahay hogaamiyaha kaliya ee wax la taaban karo qabtay muddo 20 sanadood ka badan oo dalku uu ku jiray fawdo iyo jahwareer siyaasadeed.

Dibadbaxyada Islii waxaa ay ku soo gabagaboobeen si nabadgalyo ah , iyadoo  ilaa galabta goor gaaban dadku ay hor dhoobnaayeen Hotel Barakat.

Mudaharaadyada lagu taageerayo sii jiritaanka xukuumadda  maahan oo kaliya kuwo ku kooban Nairobi , balse waxaa ay ka dheceen  meelo kala duwan, iyadoo caasimadda Muqdishona uu dhiig ku daatay markii rasaas lagu furay mudaharaadayaasha.

Axmed Cabdisamad Cilmi, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya