Jimco, June 10, 2011 (HOL) – Waxgarad iyo dadweyne kale oo ku sugan Muqdisho iyo dalka dibaddiisa ayaa si weyn uga soo horjeestay go'aannadii kasoo baxay shirkii dalka Uganda ay ku yeesheen madaxda DKMG ah, kuwaasoo uu ku jiray qodob dhigaya inuu xilka iska casilo ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, lana kala diro xukuumadda jirta.
Dadkan oo warbaahinta la hadlya iyagoo ku sugan gudaha dalka iyo dibadiisa ayaa waxay ku tilmaameen go'aanka iscasilaadda ra'iisul wasaaraha inuu yahay mid lagu khasbayo, isla markaana ay kula talinayaan ra'iisul wasaaraha inuu xilkiisa sii-hayo, iyagoo eedeyn u jeediyay madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.
"Waxaan ka xunnahay go'aannadii kasoo baxay shirkii Kampala oo qodobadiisa ay ku jirtay in xukuumadda hadda shaqeynaysa la kala diro, waana mid aan u arago in lagu qasbayo ra'iisul wasaaraha laguna burburinayo horumarka xukuumadda," ayuu yiri guddoomiyaha golaha odayaasha iyo dhaqanka Muqdisho Maxamed Xasan Xaad oo saxaafadda la hadlay.
Mudaaharaadyo looga soo horjeedo in ra'iisul wasaaraha Soomaaliya uu iscasilo lana kala diro xukuumadda ayaa waxay shalay iyo maanta ka dhacayaan Muqdisho, iyadoo ra'iisul wasaaraha iyo madaxweynuhu ay dib ugu soo laabteen Muqdisho.
Nabaddoon Xaad, ayaa kula taliyay ra'iisul wasaaraha inuu howshiisa wato, isagoo sheegay in dibadbaxyada socda aysan joogsanayn inta laga laabanayo go'aankaas foosha xun oo uu sheegay inaanay ku jirin maslaxadda shacabka Soomaaliyeed.
"Go'aannada kasoo baxay shirka Kampala waa kuwo madaxda Soomaalida loo yeeriyay caddeynna u ah in dalkan aan la doonayn inuu dago oo uu dhibaatada ka baxo," ayay tiri Sacdiyo Cumar oo ka mid ahayd dad saakay oo Jimco ah dibadbayo dhigayay oo HOL la hadashay.
Soomaalida dibadaha ku nool ayaa iyaguna waxay sheegeen in go'aannadii Kampala ay yihiin kuwo aad looga naxo, isla markaana aan dan u ahayn shacabka iyo dalka Soomaaliya, waxayna dadkan oo saxaafadda ka hadlay ay sheegeen in go'aankaas uu yahay mid muujinaya inaan la doonayn nabad iyo horumar Soomaaliya ay gaarto.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya