Guddoomiye Cabdiraxmaan oo maanta xafiiskiisa ugu waramay qaar ka mid ah warbaahinta, ayaa sheegay in uu soo dhawaynayo rabitaanka shacabka ee ah furashada ururada siyaasadda. "Gudida talo-bixintu waxay ahayd guddi Qaran oo uu qaranku hawl u diray, waxaanay soo ururiyeen rabintaanka shacabka reer Somaliland ee ku saabsan furashada ururada , markaas anigu shaqsiyan waan taageersanahay waxa uu rabitaanka shacbigu u bato oo ah in la furo Ururada Siyaasada," ayuu yidhi Cabdiraxmaan-Cirro oo shaqsiyan ka soo baxay Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, isla markaana ilaa hadda ka mid ah xubnaha xisbigaas.
Mar uu Cabdiraxmaan-Cirro ka hadlayay wax-ka-bedelka iyo qabyo-tirka ay soo jeediyeen guddida talo-bixinta furashada ururadu, wuxuu yidhi, "Haddii xeerkii hore ee doorashada wax laga bedalayo, waxa ay arintaasi noqonaysaa arin sharci, waxaana la horkeeni doonaa Golaha Wakiilada, xeerkani marka la keeno golaha (Wakiillada) wuxuu la mid noqon doonaa xeerarkii hore, waxana marka hore la soo marin doonaa gudida arintaasi qaabilsan, ka dibna Golaha ayey u soo gudbin doonaan," waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, "Markaasaa laga doodi doonaa, waxaanan rumaysanahay in ay Mudanayaashu qaddarin doonaan rabitaanka shacabka, waxaana laga doodi doonaa danta Umada halka ay ku jirto, waxa kale oo ay mudanayaashu ay xaq u leeyhiin in ay wax ka bedalaan."
Dadweynaha ku dhaqan Somaliland ayaa badankoodu ay soo dhaweeyeen furashada ururada siyaasadda, hase ahaatee, waxa iyana dhinacooda badan inta u aragta inay khatar ku tahay hannaanka siyaasadeed, dawladnimo iyo sidoo kale nabadgelyo ee Somaliland, isla markaana horseedi karto khilaaf xooggan oo dadka kala qaybiya, iyaga oo u cuskanaya in muranka siyaasadeed badan karo.
Barkhad M. Kaariye, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland