Xarrakada Al-shabaab oo sheegatay mas'uuliyadda qaraxyadii lagu weeraray Dekedda Magaalada Muqdisho

Jimco, June 10, 2011 (HOL) – Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerar shalay lagu qaaday dekedda weyn ee magaalada Muqdisho, iyagoo sheegay inay weerarkaas ku dileen askar ka tirsan ciidamada AMISOM ee ilaalada ka haya dekedda.

Afhayeenka Xarrakatul Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage Sheekh Cali Dheere, oo warbaahinta la hadlay gallinkii dambe ee shalay ayaa sheegay in weerarkaas ay fuliyeen laba dagaalyahan oo xoogaggooda ka tirsan ayna ku dileen 21-askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM.

"Weerarka wuxuu ahaa mid sidii la doonayay u fulay, waxaana lagu dilay 21-askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM," ayuu yiri Sheekh Cali Dheere oo intaas ku daray in weerarka uu qayb ka yahay weerarro ay qorsheeyeen inay la beegsadaan AMISOM iyo DKMG ah.

Sidoo kale, afhayeenka Xarrakatul Shabaab wuxuu ugu baaqay shacabka ku nool goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMG ah inay dagaallada looga horjeedo ciidamadaas qayb ka qaataan, isagoo sheegay in ragga qaraxyada fuliyay ay ahaayeen kuwo iyaga la mid ah.

Warsaxafaadeed xalay kasoo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in weerarkaas lagu dhaawacay saddex askari oo ciidamadooda ka tirsan, hal qof oo rayid ahna lagu dilay, sidoo kalena ay ku dhinteen labadii dagaalyahan ee is-midaamiyay.

Xarrakada Al-shabaab ayaa weerarkeedan kusoo beegtay iyadoo dhammaadkii bishii hore weerar noocan oo kale ah ay dagaalyahannadoodu la beegsadeen saldhig ay AMISOM ku leedahay Muqdisho, kaasoo ay ku dileen laba askari oo u dhashay dalka Uganda iyo mid Soomaali ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya