Jimco, June 10, 2011 (HOL) – Saacadihii aynu soo dhaafnay waxaa jiray kulamo ka dhacayay deegaannada ay ka maamulaan culuma’udiinka Ahlu-sunna Waljameeca bartamaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan goballka Galguud, waxaana ay kulamadaasi ahaayeen kuwo looga hadllayay laguna muujiyay dareen Ahlu Sunna ee la xiriira hishiiskii mas’uuliyiinta dowladdu ay ku gaareen magaalada Kampala.
Guddoomiyaha degmada Guri-ceeel ee goballka Galgaduud Cismaan Ciise Nuur Taar-dhuleed ayaa sheegay in marnaba la aqbali karin hishiiska la sheegay in lagu gaaray magaalada Kampalla, waxaana uu sheegay in hishiiskaasi yahay mid bur bur iyo dhibaato u horseedi kara umadda Soomaaliyeed.
‘’Anaga ka maamul ahaan mowqifkeenu waa cad yahay, mana aqbali doono waxa hishiiska lagu sheegay in Kampalla lagu gaaray , sidoo kale waxaa si cad u diidanahay is casilaada la sheegay in uu sameynayo Max’ed C/llaahi Farmaajo taasoo u jeedada laga leeyahay ay tahay in lagu wiiqo hormarka hadda lagu talaabsaday ayuu yiri,’’ Cismaan Ciise Nuur Taar-dhuleed.
Sidoo kale dad kala duwan oo u sugan degmooyinka Guri-ceel, Caabud-waaq, Dhuusa-mareeb, iyo Matabaan oo ka kala tirsan gobolka Galgaduud iyo Hiiraan ayaa sheegay in ay dareenkooda u muujin doonaan dibadbaxyo, iyaga oo intaa ku darray in kulankii ka dhacay magaaalada Kampalla uu u muuqday mid shirqool oo kale ah waa sida ay hadalka u dhigeen.
Maamulka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa ah maamul marka dhinac laga eego la shaqeeya dowladda Soomaaliya, gaar ahaan marka la eego dagaallka lagula jiro xarrrakada Mujaahidiinta Al-shabaab, waxaana muuqata in shacab-ka ku dhaqan bartamaha Soomaaliya gaar ahaan deegaannada ay maamulaan Ahlu Sunna Waljameeca in ay la aragti yihiin dad reer Muqdisho oo dareenkooda ku muujiyay kacdoon shacab.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya