Jimco, June 10, 2011 (HOL) – Ciidamada amaanka gudaha ee dalka Mareykanka ayaa shalay oo Khamiis ahayd xasbiga u taxaabay Axmed Xuseen Maxamuud oo lagu eedeeyay inuu dhaqaale ku taageero Xarrakatul Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya, sidoo kalena uu u qori jiray rag u dagaalama.
Axmed oo 26-jir ayaa haysta dhalashada dalka Mareykanka, waxaana lagu xiray gobolka Ohio xilli uu doonayay inuu dib ugu laabto gobolka uu ku barbaaray ee Minnesota oo ah gobolka ay deggen yihiin Soomaalida ugu badan ee ku nool dalka Mareykanka.
Waaxda cadaaladda Mareykanka ayaa ku eedeysay Axmed afar dambi oo ay ku jirto inuu dhaqaale iyo rag dagaalama uu si joogto ah ugu diri jiray Xarrakada Al-shabaab tan iyo markii uu billowday dagaalkii ciidamada Itoobiya iyo xoogagii Islaamiyiinta u dhexmaray Soomaaliya; isagoo og in Mareykanka uu u aqoonsan yahay Al-shabaab koox argagaxiso ah.
Axmed ayaa lagu wadaa in loo dhoofiyo gobolka Minnesota si maxkamad loogu soo taago. Iyadoo waaxda cadaaladda Mareykanku laga soo xigtay in dambi walba oo lagu soo eedeeyay Axmed uu ku mudan karo 15-sano oo xabsi ah.
Mareykanka ayaa horay u sheegay in ku dhawaad 20 dhallinyaro Mareykan ah ay ku biireen Xarrakatul Shabaab, iyadoo la rumeysan yahay in saddex ka mid ah lagu dilay dagaallada ka socda Soomaaliya, kuwaasoo kii ugu dambeeyay uu ka mid ahaa koox weerartay saldhig ay AMISOM ku leedahay Muqdisho bishii lasoo dhaafay.
Xarrakada Al-shabaab oo ka talisa inta badan Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya ayaan ka haldin inay xiriir la lahayd wiilka Soomaaliga ah ee lagu xiray dalka Mareykanka iyo in kale.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya