![]() |
| Wasiirkii Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Soomaaliya C/shakuur Shiikh Xasan Faarax |
Wasiirka ayaa u geeriyooday dhaawac culus oo ka soo gaaray qaraxaas, wuxuuna ku geeriyooday Isbitaalka Banaadir oo dhaawaciisa la dhigay. Qaraxa uu wasiirka ku dhintay ayaa wuxuu ka dhacay gudaha gurigii uu deganaa.
Wuxuu ka mid ahaa wasiirka wasiirrada ugu shaqada badan ee Xukuumadda Soomaaliya, wuxuuna ku magacawnaa xilka Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka.
Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoyskii, ehelladii, asxaabtii uu Wasiirka ka geeriyooday, iyagoo sidoo kale tacsi taas la mid ah u diray Umadda Soomaaliyeed.
“Runtii wuxuu ahaa nin qaali ah oo nooga dhintay marxalad adag, wuxuuna dhiiggiisa u huray Umadda Soomaaliyeed, waxaana rajeyneynaa in wixii uu ku dhintay lagu guuleysto oo la xaqiijiyo, isagana waxaan leenahay alle ha u naxariisto”ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif.
Sidoo kale Ra’iisal Wasaare Farmaajo ayaa ka hadlay geerida Wasiirka, wuxuuna yiri “Anigoo ku hadlaya magaca Xukuumadda iyo Umadda Soomaaliyeed, waxaan tacsi u dirayaa qoyskii iyo ehelladii uu ka geeriyooday C/shakuur Shiikh Xasan Faarax oo ay gacan ka xaq daran dishay, waxaan Illaahey uga baryayaa in uu Jannadii firdowsa ka waraabiyo. C/shakuur wuxuu ahaa nin qaran, mana dhiman ee waa dhuuntay”.
Qaraxa uu ku dhintay Wasiirkii Amniga waxaa sheegtay Xarrakada Al-Shabaab oo uu dagaal kala dhaxeeyo dowladda Soomaaliya, isla markaana horay qaraxyo sidan oo kale ah ugu dishay wasiirro ka tirsanaa Xukuumadda Soomaaliya.
Waxaa horay qaraxyo sidan oo kale loogu dilay wasiirro ay ka mid ahaayeen Cumar Xaashi Aadan, Axmed C/llaahi Waayeel, Prof. Ibraahim Xasan Caddow, Qamar Aadan Cali, Saleebaan Colaad Rooble, iyadoo ay sidoo kale jireen saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo iyana qaraxyo lagu dilay.
Qaraxan maanta lagu dilay Wasiirkii Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Xukuumadda Soomaaliya ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo shalay qarax ismiidaamin ah lagu qaaday Dekedda Muqdisho, iyadoo qaraxaasna uu dhimasho iyo dhaawac geystay.
Sidoo kale dhacdadan ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo qalalaase siyaasadeed uu u dhaxeeyo madaxda sare ee dowladda Soomaaliya, isla markaana beryahan la hadal hayay in Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu qorsheynayo in uu xilka ka tago kaddib heshiis aanu raali ka ahayn oo ay Kampala ku gaareen Madaxweynaha Shiikh Shariif iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan. Sidoo kale waxaa jiray banaanbaxyo Muqdisho ka dhacayay oo ay sameynayeen in diiddan in Ra'iisal Wasaaraha uu is-casilo.
Wasiirka oo saacado ka hor Muqdisho kula hadlay dad isu soo baxay oo taageerayay Xukuumadda uu ka tirsanaa

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
