Axad, December 25, 2011(HOL) Nairobi , Kenya - Boqollaal dad ah ayaa is jiiray intii ay cararayeen kaniisad ku taalla magaalada Nairobi.
Dadkan ayaa kala yaacay markii uu mid kamid ah dadkii halkaas cibaadad u tagay uu ka shakiyay mid kale kuna qayliyay, isagoo ku eedeeyay inuu bumbo sito.
Arrintan ayaa argagax ku riday dadkii halkaas isugu tagay oo u dabaal dagayay ciida masiixiyiinta ee Kirismaska.
Lama cadayn karo tirada dadka wax ku noqday is jiirkaas , balse wararka qaar ayaa sheegaya in dhowr qof uu dhaawac fududi soo gaaray.
Haweenay kamid ahayd dadkii halkaas ka cararay oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay inay aragtay dadkii oo yaacaya ayna go'aansatay inay cararto si ay u badbaado.
Waxay sheegtay inay mooday in goobta la qarxininayo ayna arkaysay qaar kamid ah wadaadadii kaniisada oo ordaya.
Kaniisadan oo lagu magacaabo Holy Family Basilica Church ayaa markii dambe ay booliska gaareen, waxaana halkaas laga baadi goobay waxyaabaha qarxa oo laga waayay goobtaasi.
Booliska dalka Kenya ayaa maalmihii lasoo dhaafay sare u qaadaday feejignaantooda, iyagoo gaaf wareegaya goobaha ay dadku ku xafladaynayaan xilliga ciida Kirismaska.
Arrintan ayaa imaanaysa, iyadoo booliska dalka Kenya ay digniini adag u jeediyeen dadweynaha, iyagoo ka cabsi qaba weeraro ay soo qaado xarakada Alshabaab.
Alshabaab ayaa bilihii ugu dambeeyay ku hanjabayay inay ka aar gudan doonto Kenya oo ciidamada u dirtay gudaha Soomaaliya si ay ula dagaalaan kooxdaasi.
Axmed Cabdisamad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya
Kaniisad Nairobi ku taal oo lagu kala cararay kadib markii ay kala shakiyeen dadkii isugu tagay
More News
- Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda KMG Soomaliya ee ku sugan Gobolka Gedo oo lagu dilay deegaanka Buusaar
- Ciidamada Burundi ee ka tirsan AMISOM oo waxyeello ay kasoo gaartay Qarax lagula beegsaday Muqdisho
- Saraakiil ka tirsan Maamulka Puntland oo ku dhintay qarax manta ka dhacay duleedka degmada Boosaaso
- Suxufiyiin ka cabanaya dilkii loo geystay Wariye C/salaan Xiis oo buuxiyay albaabka hore ee Madaxtooyada Soomaaliya
- Maamulka Ahlu Sunna Waljameeca oo sheegay in ay ilaaliyaan amaanka Shaqaalaha Hay'adaha Samafalka
- Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya duqeyn loo geystay Jasiiradda Kudhaa ee Gobbolka Jubbada Hoose
- Xildhibaannadii xilka ka qaaday Shariif Xasan oo kasoo horjeestay shirkii lagu soo gabgabeeyay Garoowe
- Iskahorimaad sababay dhimasho iyo dhaawac oo xalay ka dhacay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug
- Kooxo bastoolado ku hubeysan oo laba qof xalay ku dilay degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir
- Ra'iisul wasaaraha DKMG Soomaaliya oo sheegay in Dastuurka cusub ee dalka ay ansixin doonaan 1000-qof oo lasoo xulay
- Qarax Bambaano oo Xalay lagu Weeraray Goob Caweys oo ku taalla magaalada Wajeer ee dalka Kenya