Ciidamada Burundi ee ka tirsan AMISOM oo waxyeello ay kasoo gaartay Qarax lagula beegsaday Muqdisho

Axad, December 25, 2011 (HOL) − Qarax miino oo warar kala duwsan ay kasoo baxyaan khasaaraha uu geystay ayaa maanta lagula beegsaday gadiid kolonyo ah oo wateen ciidamada Burundi ee ka tirsan AMISOM jidka warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Wararka qaarkood ayaa waxay sheegayaan in qaraxa uu ku dhintay hal askari oo ka tirsan ciidamada Burundi, balse taliyaha ciidamada Burundi oo xaqiijiyay qaraxa ayaa sheegay inay ku dhaawacmeen laba askartooda ka tirsan.

"Gaadiid ay wateen ciidamada Burundi ayaa qarax lagu beegsaday degmada Dayniile waxaana ku dhaawacmay laba askari, ma jirto dhimasho soo gaartay askarteenna," ayuu yiri taliyaha ciidamada Burundi ee ka tirsan AMISOM.

Taliyuhu wuxuu sheegay in qaraxa uu ka dhashay miino jidka dhiniciisa lagu aasay isagoo ku eedeeyay Al-shabaab, balse ma jirto wax hadal ah oo weli kasoo baxay Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta AMISOM iyo dowladda KMG ah.

Halka uu qaraxu ka dhacay ayaa la sheegay inay soo buuxiyeen askar ka tirsan ciidamada Burundi, iyagoo baaritaanno ka billaabay meelaha ku dhow halka ay miinadu ka qaraxday.

"Dhaawacyada askarteena waxaa lagu daweynayaa isbitaalka guud ee AMISOM, xaaladooduna waa wanaagsan tahay," ayuu yiri taliyaha ciidamada Burundi oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ciidamada AMISOM qarax waxyeelo ay kasoo gaartay lagula eegto magaalada Muqdisho, iyadoo dhowr jeer oo hore ay dhimasho iyo dhaawac kasoo gaartay askarta AMISOM qaraxyo lagula eegtay Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya