Iskahorimaad sababay dhimasho iyo dhaawac oo xalay ka dhacay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug

Axad, December 25, 2011 (HOL) − Ugu yaraan lix qof oo isugu jira dhinacyadii dagaalamayay iyo dad shacab ah ayaa ku dhintay iskahorimaad xalay ku dhexmaray Koonfurta Gaalkacyo ciidamada maamulka Galmudug iyo kooxo hubeysan.

Iskahorimaadkan oo socday muddo saacado ah ayaa waxaa ku dhaawacmay 11-qof oo kale, kuwaasoo u badan shacab, waxanaa la geeyay isbitaalka Koonfurta Gaalkacyo si loogu daweeyo.

"Dagaalku wuxuu u dhexeeyay ciidammo ku hubeysan gaadiid dagaal iyo askarta maamulka Galmudug, waxaana dagaalku uu sababay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac," ayuu yiri goobjooge ku sugan Koonfurta Gaalkacyo, isagoo xusay in xalaaddu ay saakay tahay mid daggan.

Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug oo ay ka taliso Galmudug ayaa habeennadii lasoo dhaafay ka jiray bandow uu kusoo rogay Col. Caalin oo ah madaxweynaha maamulkaas, kaasoo la sheegay in lagu sugayo ammaanka.

Howlwadeennada isbitaalka Koonfurta Gaalkacyo ayaa sheegaya in xaaladda qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay dagaalkii xalay ay tahay mid aad u daran, iyaguna ay wadaan dadaallo ay dadkaas ku daweynayaan.

Dadka ku dhintay dagaalkii xalay oo maanta la aasayo ayaa waxaa ku jira laba qof oo haween ah, kuwaasoo rasaastii la isweydaarsanayay ku dhintay, iyadoo ay la wareegeen gacan ku haynta xaafaddii lagu dagaalamay ciidamada Galmudug.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya