Saraakiil ka tirsan Maamulka Puntland oo ku dhintay qarax manta ka dhacay duleedka degmada Boosaaso

Axad, December 25, 2011 (HOL) − Ugu yaraan laba sarkaal oo ka tirsan maamulka Puntland ayaa ku dhintay qarax maanta ka dhacay duleedka magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, waxaana qaraxaas ku dhaawacmay toddoba askari oo ilaalo u ahaa saraakiisha dhintay.

Qaraxa ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Laba-waleey oo u dhexeysa deegaannada Yalho iyo Karin ee gobolka Bari, waxaana labada sarkaal midkood lagu magacaabi jiray Jaamac Nuur Shire (Gaas) oo horay u ahaa taliyaha ciidamada birmadka ee Puntland.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid xooggan, iyadoo aanay jirin cid sheegatay inay mas'uul ka tahay qaraxaas, iyadoo aysan ahay markii ugu horreysay oo qaraxyo ay waxyeello kasoo garto saraakiisha iyo ciidamada Puntland ay ka dhacaan gobolka Bari.

Saraakiisha dhintay ayaa waxay la socdeen gaari TOYOTA ah oo ay lahayd shirkadda African Oil oo howlo shidaal-baaris ah kawadda deegaannada Puntland, mana jiro wax hadal ah oo weli kasoo baxay maamulka Puntland.

Dhaawacyada askartii ku dhaawacmay shilka ayaa la sheegay in la geeyay isbitaalka Boosaaso halkaasoo lagu daweynayo, waxaana qaraxan uu imaanayaa iyadoo shalay lagu soo gabgabeeyo Puntland shirka wadatashiga dhinacyada Soomaalida.

Inkastoo aysan jirin koox sheegatay inay ka dambeyso weerarkaas ayaa haddana waxaa si aad ah uga hadlay warbaahinta ku hadasha afka Xarakada Al-shabaab oo horay loogu eedeeyay inay xiriir la leedahay xoogagga wadaad-diimeedka Sheekh Maxamed Siciid Atam oo sannadkii hore dagaal la galay Puntland.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya