Axad, December 25, 2011 (HOL) − Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa sheegay in dastuurka cusub ee dalka ay ansixin doonaan 1,000-qof oo lasoo xulay, isagoo sheegay in kunkaas qof ay ka koobanaan doonaan qaybaha bulshada Soomaaliyeed.
Dr C/weli Maxamed ayaa sheegay in sababta go'aankan loo qaatay ay tahay iyadoo aan xilligan dadka laga qaadi karin afti, balse wuxuu sheegay in afar sano gudahood laga hirgelin karo dalka oo dhan dimuqraadiyad iyo inay dadku u codeeyaan dastuur iyo baarlamaan cusub.
"Kunka qof ee ansixinaya dastuurka cusub waa kuwo shaqeynaya muddo kooban, waxayna ka mid noqon doona, culummada, haweenka, dhalinyarada iyo dhammaan qaybaha bulshada," ayuu yiri ra'iisul wasaare Gaas.
Ra'iisul waasaruhu wuxuu intaas ku daray in Soomaaliya iyadoo intan ka itaal yar, kana aqoon yar laga hirgeliyay dimuqraadiyad iyo in shacabku wax soo doortaan, haddana haddii dadaal badan lagu bixiyo arrinataas xilna la iska saaro la gaari karo.
Sidoo kale, ra'iisul wasaaruhu wuxuus sheegay in shirka lagu qaabtay Garoowe uu tusaale u yahay in Soomaalidu ay xallin karaan khilaafaadyada u dhexeeya, isagoo ammaanay qodobbadii kasoo baxay, wuxuuna ku baaqay in la taageero.
"Xildhibaannada baarlamaanka way og yihiin shirkan inuu qayb ka yahay Roadmap-ka oo ka dhashay heshiiskii Kampala iyaga ayaana ansixiyay, marka ma qabo inay kasoo horjeestaan waxaana looga baahan yahay inay taageeraan," ayuu yiri C/weli Gaas kaga jawaabay su'aal ku saabsanayd xildhibaannada qaar oo kasoo horjeestay shirka Garoowe.
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo weli ku sugan Puntland ayaa hadalladan ku sheegay wareysi gaar ah oo uu siiyay Radio Muqdisho oo ku hadka afka dowladda KMG ah ee Soomaaliya.
Wareysiga oo ahaa mid dheer ayuu ra'iisul wasaaruhu kaga hadlay hannaanka 4.5-ka ah ee lagu heshiiyay, isagoo sheegay in nidaamkan uu yahay mid beeleed oo aanay dani ugu jirin Soomaalida, balse xal loo arkay, isagoo sheegay in afarta sano ee soo socda lagu soo xulan doono xildhibaannada cusub, markaas kaddibna la bedeli doono.
Shirkii lagu soo gabgabeeyay Garoowe oo uu muran badan ka dhashay ayuu sheegay in waxyaabihii looga hadlay iyo muddada uu socday ay aad u kala duwan yihiin, isagoo sheegay in waxyaabihii kasoo baxay aan lagu soo saari karin muddo intaas le'eg.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya