Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda KMG Soomaliya ee ku sugan Gobolka Gedo oo lagu dilay deegaanka Buusaar

Axad, December 25, 2011 (HOL) − Wararka laga helayo deegaanka Buusaar ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in lab sarkaal oo ka tirsan ciidamada DKMG ah saakay lagu dilay deegaankaas, iyadoo warar kala duwan ay kasoo baxayaan dilka saraakiishaas.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in saraakiishan ay toogteen ciidammo ka tirsan kuwa DKMG ah oo ay howlgal kuwada jireen, halka wararka qaarkoodn ay xusayaan inay dileen xoogag ka tirsan Xarakada Al-shabaab oo weerar gaadmo la beegsaday.

Saraakiil ka tirsan dowladda KMG ah oo ku sugan gobolka Gedo ayaa xaqiijiyay inuu dilka saraakiisha jiro, balse waxay ka gabsadeen inay sheegaan cidda sida tooska ah uga dambeysa.

"Dilka saraakiishu wuxuu ka dhacay deegaanka Buusaar xilli ay howlgal ku jireen," ayuu yiri sarkaal diiday in magaciisa la xigto oo la hadlay idaacadda Shabelle ee Muqdisho isagoo ku sugan gobolka Gedo, wuxuuna intaas ku daray in maydadka labada sarkaal ay weli yaallaan halkii lagu dilay.

Sidoo kale, sarkaalkku wuxuu sheegay in goobta uu dilku ka dhacay ay ku sugan yihiin xoogag ka tirsan Xarakada Al-shabaab, iyadoo deegaanka Buusaar ay gacanta ku hayso dowladda KMG ah oo kaashanaysa ciidamada Kenya.

Xarakada Al-shabaab ma sheegan inay mas'uul ka tahay dilkaas, sidoo kalena ma sheegin inaysan mas'uul ka ahayn, balse dhowr jeer ayaa waxaa gacan ku haynta deegaanka Buusaar oo 40-km u jira degmada Ceelwaaq ku dagaalamay Al-shabaab iyo dowladda KMG ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya