Axad, December 25, 2011 (HOL) − Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa xalay ku dilay degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir laba qof oo rayid ah, iyadoo aan la ogeyn sababta labadaas qof ee rayidka ah loo dilay.
Goobjoogayaal ku sugan xaafadda Aabbo-gedo oo ah halka uu dilku ka dhacay ayaa u sheegay warbaahinta Muqdisho in kooxaha dilka geystay oo ku hubeysnaa bastoolado ay toogteen labadan qof, dabadeedna baxsadeen.
"Labada qof waxay ahaayeen rag, waxaana toogtay kooxo hubeysan oo wajiga qarsaday," ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka, isagoo intaas ku daray in labada qof laga toogtay madaxa iyo laabta, kooxihii falkaas geystayna ay baxsadeen.
Ma jiro hadal kasoo baxay maamulka degmada Dhareynley oo ku saabsan dilka loo geystay labadan qof ee shacabka ah, waxaana falkan uu qayb ka noqonayaa falal soo laalaabtay oo ka dhacayay degmadaas.
Kooxaha dilka geystay ayaa waxaa u suurogashay inay goobta ka baxsadaan, iyadoo aanay jirin koox sheegatay inay mas'uul ka tahay dilkaas, inkastoo dhawaan ay xoogagga Xarakada Al-shabaab weerareen saldhig ay AMISOM ku leedahay deegaankaas.
Degmada Dharkeynley ayaa waxaa maalmihii ugu dambeeyay ka dhacayay falal ku saabsan qaraxyo iyo dilal qorsheysan, iyadoo dhawaan qarax ka dhacay meel ku dhow saldhigga galbeed ee degmadaas lagu dilay haweenka nadaafadda ka shaqeeya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya