Maamulka Ahlu Sunna Waljameeca oo sheegay in ay ilaaliyaan amaanka Shaqaalaha Hay'adaha Samafalka

Axad, December 25, 2011 (HOL) − Maamulka Ahlu Sunna Waljameeca ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay ku dadaali doonaan ilaalinta iyo nabad-galyada shaqaalaha samafalka ee ka howlgala deegaannada ay ka arimiyaan.

Cismaan Ciise Nuur (Taardhuleed) oo ah guddoomiyaha degmada Guri-ceel ee maamulka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa sheegay in marnaba aysan u dulqaadan doonin dhibaateyta dadka samafalka ka shaqeynaya, inkastoo haddana uu dhinaca kale tilmaamay in mar marka qaar ay dhici karaan falal amaanka ka dhan ah sidii marar badan oo horeba dhacday.

"Inta badan waa wax soo noq noqda dilalka loo geysto dadka samafalka ka shaqeeya, laakiin anaga ka maamul ahaan waxaa balanqaadeynaa in aynu ku dadaali doono sidii looga hortagi lahaa falalka lidka ku ah ama carqaladeynaya howlaha samafalka, ayuu yiri,’’ Cismaan Ciise Nuur Taardhuleed.

Maalintii shalay ayaa waxaa degmada Guri-ceel ee gobollka Galgaduud ka dhacay dibadbax ay soo qaban qaabiyaan qeybaha bulshada kaasoo looga soo horjeeday dilkii loogu geytay degmada Matabaan sadax ruux oo labo ka mid ah ka tirsanayaan hay’adda WFP.

Guddoomiyaha degmada Guri-ceel waxaa uu sheegay in falkii ka dhacay degmada Matabaan uu noqonayo kii ugu horeeyay ee lagu bartilmaameedsado shaqaalle ka shaqeynayay samafalka, isaga oo intaa ku darray in deegaannada ay gacanta ku hayaan ee gobollada dhexe yihiin kuwo amaan ah.

"Falkan dabcan waa kii ugu horeeyay ee halka ka dhaca, markiiba gacan ku dhiiglihii waan soo qabanay, sidaa daraadeed lama oran karo amaan darro ayaa jirta, ayuu yiri,’’ Cismaan Ciise Nuur.

Warka ka soo yeeray maamulka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa imanaya kadib markii maalin ka hore nin hubeysan oo rasaas ku furay gaari ay la socdeen sadax ruux oo labo ka mid ah la sheegay in ay u shaqeynayeen hay’adda WFP halka qof kalana uu ka tirsanaa NOG-ga lagu magacaabo Dooyaale oo ka howlgala gobollada bartamaha dalka Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya