Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya duqeyn loo geystay Jasiiradda Kudhaa ee Gobbolka Jubbada Hoose

Axad, December 25, 2011 (HOL) − Warar dheeraad aya ka soo baxaayo duqeyntii ay shalay diyaarado dagaal ka geysteen deegaanka Kudhaa ee Koonfurta G/jubbada hoose halkaasoo wararka aynu ka helayno ay tibaaxayaan in khasaaro dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay duqeyntii ay geeysteen diyaaradaha.

Dadka deegaanka Kudhaa ayaa ku waramaya in diyaaraduhu ay beegsadeen Saldhigyo ciidan oo ay Al shabaab ku leeyihiin deegaanka Kudhaa, iyadoona ay diyaaraduhu ku garaaceen ilaa 3 Gantaal waxaan bar bar socday rasaas ay diyaaraduhu ridayeen..

Warar hoose oo laga helaayo deeganka Kudhaa ayaa waxa ay sheegayaan inuu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay duqeyntii shalay ay diyaaraduhu la beegsadeen deegaanka Kudhaa mana jiraan ilo madax bannaana oo faahfaahinayo qasaaraha rasmiga ah.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale inoo xaqiijiyay inaysan jirin qasaaro sidaa u weyn oo soo gaaray dadka shacabka ah, waxaana xaaladda jaziiradda ay saaka tahay mid dagan.

Saraakiisha Alshabaab ayaan ilaa iyo imika ka hadlin qasaaraha kazoo gaaray duqeyntii shalay lala beegsaday goobo ay ku lahaayeen Jaziiradda Kudhaa ee gobolka J/hoose.

Jaziiradda Kuda oo dhanka koonfur galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo, ayaa waxa maamula xoogaga Alshabaab, waxaana dadka ku dhaqan oo u badan kalluumeysato ka jalaabata badda ay wallaac ka muujinayaan duqeymaha ka soo cusboonaaday halkaasi.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya