Xildhibaannadii xilka ka qaaday Shariif Xasan oo kasoo horjeestay shirkii lagu soo gabgabeeyay Garoowe

Axad, December 25, 2011 (HOL) − Xildhibaannadii baarlamaanka Soomaaliya ee xilka ka qaaday Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa kasoo horjeestay shirkii Garoowe lagu soo gabgabeeyay, iyagoo sheegay in sababta ay uga soo horjeesteen ay tahay in lagu casuumay Shariif Xasan oo ay xilkii ka qaadeen si uu baarlamaanka u matalo.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya, xildhihbaan Axmed Dhimbil Rooble (Casoowe) oo hoggaaminaya xildhibaanandii xilka ka qaaday Shariif Xasan ayaa sheegay inaan shirkaas lagu casuumin baarlamaanka, balse si gooni ah loogu casuumay Shariif Xasan.

"Innagu ma diidanin Roadmap-ka iyo shirka midna, balse waxaanu kasoo horjeednaa in lagu casuumay Shariif Xasan oo ahaa guddoomiyihii hore ee baarlamaanka oo aan xilka ka qaadnay lana sheegay inuu matalayo baarlamaanka Soomaaliya," ayuu yiri xildhibaan Casoowe.

Sidoo kale, guddoomiye ku xigeenka labaad wuxuu shirka ku tilmaamay mid lagala dhuuntay baarlamaanka oo ah golaha sharci-dajinta dalka, sidaa daraadeedna aysan wax taageero ah u hayn.

Guddoomiye ku xigeenku wuxuu sheegay inay howshooda wadan doonaan, isagoo xusay inay ka dalbanayaan xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya inay horkeento baarlamaanka heshiiska khariidadda nabadda ee lagu gaaray Muqdisho.

"Heshiiska Roadmap ee lagu gaaray Muqdisho toddobaadyo ayaan ka dalbaynay xukuumadda inay horkeento baarlamaanka si loo ogaado qodobbada uu ka kooban yahay iyo howshiisa, balse wuxuu u muuqdaa mid lagala dhuumanayo baarlamaanka," ayuu hadalkiisa ku daray.

Xildhibaannada baarlamaanka ayaa waxaa u dhexeeya muran ku saabsan iyadoo ay qaarkood sheegeen inay xilka ka qaadeen Shariif Xasan Sheekh Aadan, qaar kalena ay kasoo horjeesteen go'aankaas iyagoo ku tilmaamay inuu yahay mid aan sharciga waafaqsanayn.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya