Qarax Bambaano oo Xalay lagu Weeraray Goob Caweys oo ku taalla magaalada Wajeer ee dalka Kenya

Axad, December 25, 2011 (HOL) − Qarax nooca bambaanooyinka gacanta laga tuuro ah ayaa xalay lala beegsaday goob lagu caweeyo oo ku taal degmada Wajeer ee gobolka Waqooyi bari Kenya, waxaana la sheegay in dad badan ay waxyeelo kasoo gaartay.

Qaraxa oo ahaa mid aad u xoogan ayaysan jirin cid ku dhimatay balse waxa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen dad gaaraya ilaa todoba qof, kuwaa oo qaarkood dhaawacoodu halis yahay.

Taliyaha booliska gobolka waqooyi bari Kenya, Leo Nyonges ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in qaraxa lala eegtay goob Clup ah, isagoona sheegay in aysan jirin cid ku dhimatay, balse waxa uu xusay in dhaawacyo ay jiraan, kuwaasoo loo qaaday isbital.

Shalay ayay ahayd markii booliska Kenya ay soo bandhigeen ilaa lix nin oo ku eedeysanaa in ay qorsheynayeen falal amni darro, kuwaasoo lala xiriirinayay xoogaga Alshabaab ee ka dagaalama Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa mudo laba bil kahor ciidamadeeda ka talaabisay soohdinta ay la wadaagto Soomaaliya, si ay ula dagaalamaya xoogagga Alshabaab, oo ay ku eedeeyeen in ay ka danbeeyeen afduubyo is xigxigay oo ka dhacay gudaha dalka Kenya.

Ma ahan markii ugu horeeysay oo qarax bambaano lala eegto goob lagu caweeyo oo ku taal dalka Kenya, haseyeeshee waxa jiray qarax bambaano oo ceynkan oo kale ah oo dabaqayaqadii bishii aynu soo dhaafnay ee October lala eegtay goob lagu caweeyo oo ku taallay magaalada Nairobi, kaasoo uu ku dhitay hal qof, halka ay dhaawacyo kasoo gaareen dad ka badan 20 qof, qaraxaas oo ku danbeeyay nin Kenyan ah oo katirsanaa Xarakada Alshabaab.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya