Ku-xigeenka Duqa magaalada Muqadishu Iman Nur Ikar oo la kala kulmay qaar ka mid ah ardayda Soomaliyeed ee Dalka Holland iyo jaaliyadda Soomalida ee Holland.

Dalmar Media news
The Hague, The Netherlands

Tuesday 16 February, 2010

ku xigeenka Duqa magaalada Muqadishu Iman Nur Ikar ayaa magaalada The Hague ee dalka Holland laba kulan oo kala duwan la yeeshay y arday soomaliyeed oo wax ku barato jaamacadaha kala duwan ee dalka Holland iyo isaga oo sidoo kalena la kulamay qaar ka mid jaaliyadda Soomalida ee dalkan deggan.
Mudane Imaan Ikar ayaa warbixin dheer ka bixiyey oo ku saaban xaalada nololeed ee magaaalada Muqadishu uga warbixiyey ardayda kulankii hore ka soo qatbgashay , isaga oo sawir qurux badana ka siiyey ardaydaas xaalada magaala madaxda dalkii ee Muqdisho ay imminka ku sugan tahay.






Mudane Ikar oo inta aan loo magacaabin maamulka magaalada muqdisho ka mid ahaa aha qorbajooga reer Holland, oo16 sanadood oo ku noolaa waddanka Holland ayaa ardaydaas u soo bandhigay sawirro muujiinaya muuqaalka dhabta ah ee magaalada muqdisho.,  a

Mudane Icar ayaa sheegay in kastoo magaalada Muqadishu burburtay oo ay maamul adag haysan muddu dhan 20 sano, haddana ree muqdisho oo gaaarayo labo million oo qof, ay baahi u qabaan nabadda iyo horumarka ay haystaan magaalooyinka la mid ah ee ay ka mid tahay magaalada kulankan uu ka dhacay ee Den Haag.






Mudane Icar waxa uu ku booriyey dhalinyarada Soomaliyeed ee dhigata jaamacada Holland, ee ku nool nolasha fiican, haddii ay ayagu Soomaaliya ku noolan lahaayeen aysan heleen fursadda ay maanta haystaan. Waan fahmi karaa in waajibka ugu horeeyo ee qof bini’ aadam ah saaran uu yahay in uu isaga meel ka soo baxo, wax barto, shaqo helo, ka dibna qoyskiisa ka adkaado, laakiin waajibaadka labaad ee qofka bini’ aadamka saaran waa kan umadiisa iyo dalkiisa ka saaran., ayuu ku booriyey dhaliyaradii kulankan ka soo qayb galay.

Kulankii labaad ayaau Mudane Iman Ikar la qaatay qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaliyeed ee deggan Holland oo ka kala yimid magaalooyin kala duwan.




Shirka oo uu ahaa mid kooban oo ra’yga isku dhaafsanayeen madaxdii Jaaliyadda iyo mudane Ikar ayaa waxa uu ku biloowday warbixin ku saabsan xaaladda muqdisho iyo baahida dhabta ah ee magaaladaasi ay qabto oo uu Ikar halkaas ka soo jeediyey.
Mar uu ka hadlayey kaalinta qurba jooga ee dib u dhiska magaaladaas ayuu Ikar sheegay in ay inta badan culeyska saaraan qurbajoogu in maagaladu aysan amni laheyn wax u qabashadeeduna ay adag tahay.
Waxa uu intaas ku daray in aysan xaq aheyn in wax walba oo magaaladaas laga qaban lahaa in loo xayiro amniga, oo uu sheegay in sida loo maleynayo uusan u ba’neyn, gaar ahaan ayuu yiri , degmooyinka ay dowladdu ka taliso.

mudane Ikar ayaa kulankaasi dadkii ka soo qayb galay ka codsaday in aysan u kala harin wax u qabashada magaaladii muraayadda u aheyd dalkii oo dhan, isaga oo sheegay in ay muqdisho dad gaar ah wax ka sugeyn ee ay waxtarka dadka soomaliyeed oo dhan u baahan tahay.






Kulankaas ayaa dadkii ka soo qayb galay ay ballan qaadeen in ay bilaabi doonaa qorshe lagu eegayo sidii magaaladaas loogu gurman lahaa, iyada oo lala kaashanayo soomalida kale oo dunida kale ku nool.

labadan munaasabadood ayaa waxaa isla soo agaasamiyey ururka dhalinyarada qorbajoogta Soomaliyeed SYA ( Somali youth abroad) iyo Dalmar Foundation. 
 


Dalmar Media news
The Hague, The Netherlands