Arbaco, Feb, 17, 2010 (HOL) Madaxa Amaanka Maamulka ururka Xisbul Islaam ee Goballka Hiiraan Shiikh Max'ed Weheliye Odawaa ayaa sheegay in maamulka uu ka tirsan yahay ee gacanta ku haya Magaalada Beledweyne cafis guud u fidiyeen dhamaan cid kasta oo ka tirsan kooxaha ka soo horjeeda.
Max'ed Weheliye waxaa uu intaa ku daray in kadib kulan ay qaateen mas'uuliyiinta ururka leysku af-gartay in ay dib magaalada ugu soo laabtaan dhamaan dadkii isaga cararay waqtiyadii ay dagaalladu socdeen waxaa uu intaa ku daray si taa loo gaaro in la fidiyay sida uu hadalka u dhigay cafis guud oo xitaa quseynaya ayuu yiri qof kasta oo horay uga tirsanaa kooxihii dagaalka la galay.
Shiikh Max'ed Weheliya waxaa uu dhinaca kale sheegay in waqtigan aysan jirin qatar ka soo fool leh kooxaha ka soo horjeeda ee ku sugan qeybo ka mid ah Goballka Hiiraan, kuwaa oo sida uu tilmaamay ku jabay dagaalladii ugu danbeeyay ee ka dhacay Goballka Hiiraan.
''Runtii hadda qatarta kaliya ee dalka ka jirta waa abaabulka ay wadaan kooxaha uu Shiikh Shariif Shiikh Axmed Odayga u yahay, waana laga adkaan doonaan ayuu yiri Max'ed Weheliye Odawaa madaxa amaanka maamulka Xisbul Islaam ee Goballka Hiiraan.
Inkastoo maamulku horay u sheegay in ay dib magaalada ugu soo laabtaan dadkii horay uga barakacay ayaa dhinaca kale waxaa la oran karaa waa markii ugu horeysay oo uu maamulku si toos ah u sheego in la soo dhaweynayo cid kasta oo horay uga tirsaneyd kooxaha ka soo horjeeda waa haddii ay ka tanaasulaan Siyaasadii ay markii hore ku shaqeynayeen.
Maalmihii ugu danbeeyay ayaa magaalada Beledweyne ee xarunta u ah Goballka Goballka Hiiraan waxaa ka socday kulamo ay wada hadallo u socday Maamulka Ururka Xisbul Islaam iyo qaar ka mid ah Odayaasha Beelaha Goballka, lamana oga in warkan ka soo yeeray maamulka uu daba socdo kulamada dhaxmar iyaga iyo Odayaasha Beelaha Goballka.
C/raxamaan Diini, Hiiraan Online