Arbaco 17, Feb, 2010 (HOL)Ciidamadaa Xizbada magaalada Kismaayo ayaa howlgallo ay maanta ka sameeyeen qaar kamid ah deegaanada dhanka waqooyi kaga began magaalada Kismaayo waxay toogasho ku dileen nin ay sheegeen in ay isbaaro u taallay inta u dhexeysa magaalada Kismaayo iyo tuulada Buulo gaduud oo qiyaastii 30km dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.
Ninkan ay dileen ciidamada amaanka magaalada Kismaayo ayaa la sheegay in uu isbaaro u dhigan jiray gawaarida rakaabka ah ee u safra deegaanada gosha iyo weliba iyo weliba gawaarida kale ee isticmaasha wadada dheer ee dhanka waqooyi kaga began magaalada Kismaayo, iyadoona dilka ninkaasi uu yimid kadib markii uu isku dayay in uu isbaareysto gaari nooca caasiga loo yaqaan ah oo uu u heystay in uu yahay gaari shacab islamarkaasina ay wateen qaar kamid ah ciidamada xizbada magaalada kismaayo, waxaana durbadiiba toogasho ku dilay ninkaasi ciidamadii katirsanaa kuwa amaanka magaalada kismaayo.
Meydka ninkaas ayaa waxaa ay ciidamada saareen sida la sheegay geed ku yaallay hareeraha waddadaasi iyado ay sheegeen in ay uga gun leeyihiin in uu tusaale u noqdo cid walba oo isku daydo in ay isbaaro dhigato, waxaana maanta si weyn loo hadal hayaa gudaha magaalada kismaayo dilka ninkaasi iyadoo dadka qaar ay ku noqotay arin lala yaabo madama goobta uu ninkaasi isbaarada dhigtay ay ahayd goob ay gacanta ku hayaan maamulka alshabaab ee gobollada jubooyinka.
Sikastaba ha ahaatee waa markii ugu horeysay ay ciidamada ammaanka magaalada Kismaayo toogaso ku dilaan nin isbaaro u dhigtay gaadiid shacab ee gobolkani j/hoose, marka laga reebo in ay hore 3 nin oo iyaguna lagu soo qabtay in ay isbaaro u taallay isla wadadaasi islamarkaasinaay maxkamadda shareecada islaamka magaalada kismaayo ku xukuntay in la jaro lug iyo gacan isdhaaf ah kuwaasi oo xukunkii lagu fuliyay.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya