Iska horimaad ciidamo ka wada tirsan Dowladda Soomaaliya ku dhexmaray Isgoyska Ex-koontarool Afgooye

Arbaco 17, Feb, 2010 (HOL) Ugu yaraan laba qof oo shacab ah ayaa ku dhintay iskahorimaad ku dhexmaray ciidamo ka wada-tirsan Dowladda Soomaaliya Isgoyska Ex-koontarool Afgooye ee Muqdisho.

Labada qof ee dhintay ayaa ahaa rakaab saaran mid ka mid ah gaadiidka ka shaqeeya inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye, halkaasoo ay ku sugan yihiin dad badan oo barakacayaal ah.

"Dagaalku wuxuu bilowday inagoo ku sugan Isgoyska, waxaan arkay maydadka laba qof oo gaari rakaab sarnaa, khasaare kalena ma arag" ayuu yiri goobjooge saarnaa mid ka mid ah gaadiid ku xaryirnaa halkaas.

Khilaafka sababay dagaalka u dhexeeya ciidamadan oo ahaa Milateri ayaan la ogeyn iyadoo ay ka taagan tahay Isgoyska xiisadii dhalisay dagaalka, dowladduna kama hadlin weli iskahorimaadkaas oo ahaa mid kooban.

Isgoyska Ex-koontaraool Afgooye ayaa waxaa ku sugan ciidamo ka tirsan dowladda oo lacago ka qaada gaadiidka, taasoo ay wasaaradda lacagtu ku sheegtay inay tahay kharashaad ay dowladdu u adeegsan doonto howlaheeda.

Dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin khilaafka, iyadoo Isgoyska ay si caadi ah u marayaan gaadiidka, balse ay ka taagan fowdadii ka dhalatay dagaalkii maanta ka dhacay halkaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya