Arbaco 17, Feb, 2010 (HOL) Dowladda Soomaaliya ayaa adkeysay ammaanka degmooyinka ay gacanta ku hayso ee Magaalada Muqdisho iyagoo ka bilaabay jidadka waaweyn baaritaano ay ku sameynayaan dadka iyo gaadiidka.
Afhayeenka Booliiska Soomaaliya G/dhexe C/llaahi Xasan Bariise oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ciidamada dowladdu ay bilaabeen inay baaritaanno ku sameeyaan dadka iyo gaadiidka.
"Baaritaannada ay dowladdu bilowday waa kuwo lagu xaqiijinayo amaanka, waxaan uga dignay dadka wata gaadiidka yaryar inaysan dhigan laamiyada hareerahooda, qofkii aan ku helnana tallaabo sharci ah ayaan ka qaadaynaa" ayuu yiri Col. Bariise.
Isgoyska Dabka oo ah midka ugu mashquulka badan ayna ku kulmaan gaadiidka isaga goosha degmooyinka Magaalada Muqdisho ayaa waxaaka socda baaritaanno ay ciidamada Dowladdu ku sameynayaan, iyadoo rakaabka si aad ah loo baarayo.
Wasiirka Ammaanka Qaranka C/llaahi Max'ed Cali (Sanbololshe) ayaa isaguna sheegay in dowladdu ay sameyn doonto baaritaanno ay ku xaqiijinayso guud ahaan deegaannada ay maamusho, si aanay u dhicin qaraxyadii dhawaan dhacay oo kale.
Dowladda ayaa baaritaannadan bilowday kaddib markii qarax lala beegsaday wasiir-u-dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya Sheekh Yuusuf Max'ed Siyaad (Indhacadde) uu ka dhacay waddada Maka Al-Mukarama oo ay dowladdu adeegsato.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya