Qarammada Midoobay oo ku eedeysay Dowladda Mareykanka in gargaarkii uu Soomaaliya ka joojiyay uu uga sii daray xaaladda bani'aadamnimo

Arbaco 17, Feb, 2010 (HOL) Qarammada Midoobay ayaa maanta sheegtay in go'aankii Mareykanka ee uu cunnada kaga jaray deegaanno badan oo Koonfurta Soomaaliya ku yaalla ay sii adkeysay xaaladaha bani'aadamnimo ee ka taagan dalka geeska Afrika ku yaala.

Xiriiriyaha gargaarka aadamnimo ee Soomaaliya Mark Bowden ayaa maanta oo Arbaco ah ugu sheegay wariyeyaasha Magaalada Nairobi in boqolaal kun oo Soomaali ah ay dhibaatooyin raashin la'aaneed lasoo gudboonaadeen.

Dowladda Mareykanka ayaa sannadkii hore sheegtay inaysan bixinayn wax gargaar ah oo ay siinayso dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan gudaha dalka, iyadoo sheegtay in gargaarka intiisa badan uu gacanta u galo Xarrakatul Shabaab.

"Hay'adaha Qarammada Midoobay weli ma arag cadeyn sheegaysa in gargaarku uu gacanta u galo kooxaha mucaaradka ah ee dagaalka kula jira dowladda Soomaaliya" ayuu yiri Mark Bowden.

Mas'uulkan u hadlay Qarammada Midoobay wuxuu sheegay in go'aanka Mareykanka uu u muuqdo mid loo adeegsanayo qaab siyaasadeed, wuxuuna ku taliyay inaysan wanaagsanayn in arrimaha bani'aadamnimada loo adeegsado qaab siyaasadeed.

Xukuumada Washington ayaa joojisay 270-Milyan oo Dollar oo gargaar ah, kaasoo ay ku bixin jirtay Somalia, waxaana Mareykanku uu ku xiray bixinta gargaarka in la xaqiijinayo inay si toos ah u gaarayso dadkii loogu talogalay.

Saddex Milyan oo qof oo Soomaali ah ayaa ku tiirsanaa gargaarka bani'aadamnimo ee ay bixiyaan hay'adaha gargaarka caalamka, sida ay Qarammada Midoobay sheegtay.

"Dagaallada u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo kooxaha kasoo horjeeda, waxay ku qasbeen 100,000-qof inay dhawaan ka qaxaan guryahooda" ayuu yiri Mark Bowden.

Wuxuu Bowden sheegay in dadka u baahan gargaarka aadanimo ay sii kordhayaan, iayguna aysan awood u lahayn inay gargaaraan, balse ay xaaladda nololeed ee dadkaas ay gaarsiinayaan beesha caalamka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya