Arbaco 17, Feb, 2010 (HOL) Taliska Ciidanka Boliska gobolka bari ayaa ka hadlay labo ruux oo habeen ka hor lagu dilay magaalada Bosaso ,kuwaasi oo mid ka mid ah uu ka tirsanaa ciidanka Sirdoonka Puntland ee PISta loo yaqaan.
Lama sheegin magaca ruuxa ka tirsanaa PISta ee la dilay, balse warar hoose ayaa sheegaya in ay haweeneey ahayd ,taasi oo ka shaqayn jirtay xafiisyada PIsta ee Bosaso ,gaar ahaan dhanka Nadaafada.
Taliye ku xigeenka Ciidanka Boliska Gobolka Bari Maxamed Siciid Jaqanaf ayaa u sheegay warbaahinta in ay jiraan dad loo qab qabtay dilka ka dhacay magaalada oo ahaa mid si bareer ah loo fuliyay.
Maxamed Siciid Jaqanaf taliye ku xigeenka ciidanka Boliska oo la waydiiyay warka sheegaya in dilkaasi uu fuliyay qof ku labisnaa Dharka ciidanka ayaa sheegay in arintaasi aysan waxba ka jirin.
Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in qofkii dilkan gaystay uu ahaa ruux indhaha soo duubtay ,waxaana uu xusay in ciidanka ay ku guda jiraan gacan ku soo dhigida Qofkii dilkaasi gaystay.
Ugu danbayntii dilalka inta badan loo gaysto shaqaalaha PISta ayaa ka duwan kuwa ka dhaca meela ka mid ah Puntland ,waxaana Ciidanka Sirdoonka Puntland ee PISta ay caan ku yihiin Ilaalo badan.
Faisel Maxamed Hassan(Boston),Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso,somaliya