Arbaco 17, Feb, 2010 (HOL) Afhayeenka Maamulka Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ee Gobollada Jubbooyinka Sheekh Xasan Yacquub Cali ayaa sheegay in maamulkooda uusan u ogolaanayn hay'adda WFP inay dib uga howlgasho gobolkaas.
Sheekh Xasan Yacquub ayaa sheegay in amarkii lagu eryay hay'adda aysan iyaga wax shuqul ah ku lahayn oo uu ahaa mid kasoo baxay maamulka sare ee Xarrakatul Shabaab, balse aysan ku talinayn in loo ogolaado inay ka howgalaan dalka.
"Xarrakatul Shabaab ayay u taallaa in loo ogolaanayo WFP inay dib uga howlgasho dalka, balse innagu uma ogolaanayno deegaannada aan gacanta ku hayno inay dib ugu soo laabto hay'addan" ayuu yiri Sheekh Xasan Yacquub.
Inkastoo uusan wax eedeyn ah u jeedin hay'adda ayuu sheegay hadda inay ku kalsoon yihiin in dadka Soomaaliyeed ay awood u leeyihiin inay soo saartaan raashin ku filan, taasna ay ku diidan yihiin inay goobollada kusoo laabato.
Hay'adda WFP ayaa dhawaan shaacisay in dib ugu laabashadeeda gudaha Somalia ay ku xiran tahay iyadoo dammaanad ka hesha Kooxaha maamula deegaannada ay ka howgasho ee koonfurta Soomaaliya.
Sidoo kale Odayaasha dhaqanka iyo Midnimada Hawiye ayaa dalbaday in hay'adda loo ogolaado inay ka shaqeyso deegaannadaas, si raashinka ku kaydsan Bakhaarada ay Muqdisho ku leedahay loo gaarsiiyo dadka u baahan.
"Koox walba waxaan ka dalbaynaa inay ogolaato in gargaarka la gaarsiiyo dadka ay dhibaatooyinka kala duwan ku hayaan Gobollada dalka qaarkood" ayuu yiri Max'ed Xasan Xaad oo dhawaan saxaafadda la hadlay.
Afhayeenka Maamulka Jubbooyinka ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka Hawiye iyo cid kale aysan ka ogolaanayn in hay'adda WFP ay dib howlaheeda uga bilowdo Gobollada ay gacanta ku hayaan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya