Qoxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha Qoxootiga dalka Kenya oo dalbaday in la joojiyo dagaallada si ay dib ugu laabtaan dalkooda

Arbaco 17, Feb, 2010 (HOL) Qoxootiga ku jira xeryahah qoxootiga dalka Kenya ayaa ka dalbaday dhinacyada isku haya Soomaaliya inay joojiyaan dagaallada si ay dib ugu soo laabtaan dalkooda.

"Waxaan ka codsanaynaa dhinacyada isku haya Soomaaliya ee Dowladda iyo kooxaha kasoo horjeeda inay joojiyaan xabbada si aan guryaheenna ugu soo laabano, waayo dhibaatooyin ayaan kala kulanay qoxootiga" ayay tiri Haweeney ka mid ah qoxoogia halkaas ku jira.

Haweeneydan ayaa sheegtay inay dagaallada Soomaaliya ku waayeen ehelladooda, ayna dalbanayaan in dadka Soomaaliyeed aan lalayn, sidaas daraadeedna la joojiyo xabbada, si Soomaalidu ay dalkooda ugu soo laabtaan.

"Dhibaatooyin kala duwan ayaan ku qabnaa qoxootinimada, waxaan doonaynaa inaan dalkeenna ku laabanno, Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Madaxda kooxaha kale waxaan ka codsanayaa inay aqbalaan hadalkeenna ayna dagaallada joojiyaan" ayay tiri haweeneydan oo magaceeda aan shaagin.

Haweenka ku jira xeryaha Dhadhaab ee Ifo, dhagaxley iyo Xagar-dheer oo qaar ka mid ah saxaafaddu ay halkaas kula kulantay shalay ayaa waxay geeraaro iyo erayo kale oo suugaaneed ku cabireen dhibaatada haysata.

Madaxa xeryahan qoxootiga Soomaalida ah ay ku jiraan Qaasim Sheekh oo u waramay saxaafadda ayaa sheegay in dadka ku jira xeryahan aysan haysan wixii ay u baahnaayeen, sidaa daraadeed ay qabaan dhibaatooyin.

Dad badan oo ka cararay dagaallada Soomaaliya ayaa ku jira xeryahaas, iyadoo dhawaan uu booqday safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Max'ed Cali Ameerika ayna ka cabanayeen dadkaas dhibatooyin kala duwan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya