Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Xukuumadda Soomaaliya oo sheegay inay fashiliyeen isku-day lagu khaarijin lahaa xubno ka tirsan Dowladda Soomaaliya

Arbaco 17, Feb, 2010 (HOL) Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Dowladda Soomaaliya Max'ed Cabdi Xayir (Maareeye) oo saakay la hadlay warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay inay fashiliyeen qorshe lagu doonayay in lagu dilo xubno ka mid ah shaqaalaha Dowladda.

Wasiirka ayaa sheegay in qaraxyadii ka dhacay Waddada Makka Al-Mukarrama la doonayay in lagu dilo tiro ka mid ah Xildhibaannada iyo Agaasimayaasha wasaaradaha Dowladda, kuwaasoo ay hay'ad maxali ah ku martiqaadday aqoon-isweydaarsi.

"Hay'ad Maxalli ah ayaa ku martiqaadday xubno ka tirsan Dowladda oo isugu jira Xildhibaanno iyo Agaasimayaal aqoon-isweydaarsi kaasoo ka dhici lahaa Hotel ka mid ah kuwa Muqdisho, waxaan go'aan ku gaarnay inaan joojinno" ayuu yiri Maareeya.

Wasiirku wuxuu sheegay in dowladdu ay aad uga taxadarto shirarka ka dhacaya Muqdisho wixii ka dambeeyay bishii December ee sannadkii hore oo qarax weyn oo ka dhacay Hotelka Shaamow lagu dilay tiro dad ah oo ay ku jiraan wasiirro ka tirsanaa Dowladda Soomaaliya.

"Shirkan wuxuu dhici lahaa 15-kii bishan, wasaaraddana lama soo ogeysiin, runtii waxaa socda baaritanno aan ku ogaanayno in qaraxyada iyo siminaarka ay xiriir lahaayeen" ayuu yiri Wasiirka oo sheegay in hay'adda siminaarka bixinaysay aysan ogeyn inay tahay sharci iyo in kale.

Qaraxa uu wasiirku sheegay ayaa ahaa mid dhawaan ka dhacay agagaarka Hotel Ambassador ee Magaaalada Muqdisho, kaasoo lala beegsaday Wasiir u dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya Sheekh Yuusuf Max'ed Siyaad (Indhacadde).

Wasiirka Shaqada wuxuu daboolka ka qaaday in qaraxaas loola dan lahaa in lagu dilo madaxda dowladda ka tirsan hayeeshee markii ay fashiliyeen loo weeciyay qaab kale, laguna weeraray mas'uul sare oo ka tirsan wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya