Arbaco 17, Feb, 2010 (HOL) Wasiirka Arrimaha gudaha ee Soomaaliya Sheekh C/qaadir Cali Cumar oo wareysi gaar ah siiyay wargeyska Sharqal-awsat ayaa ku eedeeyay Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin inay dalka ka wadaan fowdo iyo rabashado aan dhammaad lahayn.
Wasiirku wuxuu sheegay in weerarkii Qaraxyada ahaa ee lala beegsaday wasiir-u-dowlaha wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cadde uu qayb ka yahay sidii uu dalku u noqon lahaa mid fowdo ah.
"Aad ayaan uga xun nahay ujeeddooyinka ku dhisan fowdada iyo rabshadaha ee Xarrkatul Shabaab ka waddo dalka Soomaaliya, iyagoo horay u sheegay inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Qaacida" ayuu yiri Sheekh C/qaadir Cali Cumar.
Wasiirku wuxuu sheegay in dowladda iyadoo ka duulaysa arrimahaas ay dagaal ku qaadi doonto kooxahaas si ay caasimadda uga erido, isagoo sheegay in mas'uuliyada saaran dowladdu ay tahay inay badbaadiso shacabka iyo dalka.
Sidoo kale wasiirku wuxuu sheegay in xubno ka tirsan Al-Qaacida ay ku sugan yihiin Magaalada Muqdisho, kuwaasoo qayb ka ah sida uu sheegay xasilooni darrada ka jirta Magaalada Muqdisho.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya wuxuu ka gaabsaday inuu sheego xiliga ay dowladu qaadayso dagaalka ka dhanka ah kooxaha kasoo horjeeda, isagoo ku gaabsaday inay dhawaan qaadayso, calaamkana ay kaga baahan tahay kaalmo.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhawaanahan ka jira diyaargarowyo dagaal oo ay dowladda iyo kooxaha kasoo horjeeda ka wadaan caasimada, kuwaasi oo keenay in dad badan ay cabsi awgeed uga qaxaan degmooyinka caasimada ka tirsan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya