7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 3 , 2024
Mareykanka oo walaac ka muujiyay heshiiska Itoobiya iyo Somaliland, isagoo taageeray madax-banaanida Soomaaliya

Arbaco, January, 3, 2024 (HOL) - Dowladda Mareykanka ayaa walaac xooggan ka muujisay xiisadda diblomaasiyadeed ee ka taagan Geeska Afrika, kaddib markii ay Itoobiya iyo Somaliland kala saxiixdeen heshiis is-afgarad ah oo Itoobiya u ogolaanaya inay hesho badda cas.

Is-afgaradkaas oo ay Isniintii kala saxiixdeen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayay Soomaaliya ku tilmaamtay gardarro xad-gudub ku ah madax-bannaanideeda iyo wadajirkeeda dhuleed.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale u yeertay safiirkeeda u fadhiya Itoobiya si ay wadatashi ugala yeelato arrintan.

Bayaan uu soo saaray af hayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Matthew Miller wuxuu ku sheegay in Mareykanka uu ka naxay xiisadda ka taagan gobolka, wuxuuna ku booriyay dhammaan dhinacyada inay galaan wada hadal diblomaasiyadeed.

“Waanu aragnay warbixinahaas, waanu ka walaacsanahay , waxaanu ku biirnay asxaabta kale si aanu u muujino walaacayada halista ah iyo sidoo kale xiisadaha ka taagan Geeska Afrika, waxaanu ku boorinaynaa dhammaan dhinacyada ay khusayso inay si diblumaasiyadeed u wadahadlaan. Maraykanka wuxuu aqoonsan yahay madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya lagasoo bilaabo sanadkii 1960-kii,” ayuu yiri Miller.

Si kastaba ha ahaatee, heshiiska Itoobiya iyo Somaliland ayaa sidoo kale saameyn ku yeelan kara wada-hadallada iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya iyo Somaliland oo muddo sannado ah hakad ku jirtay.