7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 3 , 2024
Urur goboleedka IGAD oo walaac xooggan ka muujiyay isbeddelada ku yimid xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya

Arbaco, January, 3, 2024 (HOL) - Xoghayaha fulinta urur goboleedka IGAD, ahna wasiirkii hore ee arrimaha dibbada Itoobiya, Dr. Workneh Gebeyehu ayaa walaac xooggan ka muujiyay is-bedellada ku yimid xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya,

Hadalka xoghayaha IGAD ayaa yimid maalin kadib markii ay dowladda Soomaaliya ay diiday is-afgarad ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland, kaasoo ku saabsanaa in Itoobiya ay hesho badda si ay Somaliland u hesho aqoonsi caalami ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale la tashi ugu yeeratay safiirkeedii u fadhiyay magaalada Addis Ababa, Cabdullaahi Warfaa.

IGAD waxa ay sheegtay in ay si taxadar leh ula socoto xaalada ayna aqoonsan tahay saamaynta ay ku yeelan karto xasiloonida gobolka, balse ma soo hadal qaadin is afgaradka dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland.

Urur-goboleedka IGAD wxuuu ku boorriyay in xaaladda gacanta lagu dhigo, wuxuuna ka codsaday labada waddan inay iska kaashadaan sidii xaaladda nabad iyo is-afgarad lagu xallin lahaa, iyadoo la ilaalinayo qiyamka la wadaago ee mideeya IGAD.