7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 3 , 2024
Dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo raali galin deg deg ah ka dalbaday Urur goboleedka IGAD
 

Arbaco, January, 3, 2024 (HOL) - Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa ka hortimid bayaan maanta Urur goboleedka IGAD, kasoo dowladda Soomaaliya ay u aragtay mid aan dhex dhaexaad aheyn oo lagu taageerayo dowladda Itoobiya.

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda arrimaha Dibadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa looga dalbaday Xoghayaha Fulinta Urur goboleedka IGAD Dr Workneh Gebeyehu inuu raali galin ka bixiyo bayaanka uu maanta soo saaray.

Wasaaradda arrimaha Dibadda ayaa ku tilmaamtay bayaanka kasoo baxay IGAD mid  iney nasiib daro ah, maadama aan lagu cambaarayn dowladda Itoobiya oo ku xad gudubtay madax bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

“Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku khilaafsan nuxurka qoraalka kasoo baxay Xoghayaha Fulinta, waxayna u aragtaa mid taageersan dowladda Itoobiya. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa Xoghayaha Fulinta inuu si deg deg ah raaligelin uga bixiyo, kana laabto hadalkaas, uuna qaado tallaabada ku habboon” ayaa lagu yiri qoraalka ay kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya.

Warkaan kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa imaanaya, iyadoo goor sii horeysay oo maanta ah Xoghayaha Fulinta ee IGAD uu ku baaqay in madaxda IGAD ay ka fadhiistaan arrinka Soomaaliya iyo Itoobiya, islamarkaana nabad iyo wada hadal lagu xalliyo khilaafka.

“Marka la eego duruufaha jira, Xoghayaha Fulintu waxa uu u soo jeedinayaa madaxda IGAD in gacanta lagu dhigo, wuxuuna ka codsaday labada waddan ee walaalaha ah in ay iska kaashadaan sidii xaaladda nabad iyo isafgarad loogu xallin lahaa, iyadoo la ilaalinayo qiyamka la wadaago ee mideeya qoyska IGAD waxay weli ku adkaysanaysaa sida ay uga go’an tahay horumarinta nabadda, xasilloonida, iskaashiga, iyo is-dhexgalka gobolka” ayaa lagu yiri bayaanka.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka kasoo baxay dowladda Fedaraalka Faahfaahsan:-