7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 3 , 2024
Dowladaha Masar iyo Qatar oo taageere u muujiyay midnimada iyo xasiloonida Soomaaliya
 

Arbaco, January, 3, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dalka Masar Abdel-Fattah El-Sisi ayaa mar kale xaqiijiyay mowqifka adag ee Masar ay ku garab taagan tahay Soomaaliya, ayna ka taageerto amnigeeda iyo xasiloonideeda.

Madaxweyne El-Sisi ayaa hadalkan ka sheegay mar uu talaadadii xalay khadka taleefanka kula xiriiray dhiggiisa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay madaxtooyada Masar iyo madaxtooyada Soomaaliya, labada hoggaamiye waxay ka wadahadleen sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka laba geesoodka ah iyo horumarinta iskaashiga iyo isuduwidda dhinacyada kala duwan.

Waxa kale oo ay is dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka, sida lagu yiri war saxaafadeedyo kasoo kala baxay madaxtooyada labada dal.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka telefoonka kula hadlay Amiirka dalka Qatar, Amiir Tamiim Binu Hamad oo ay ka wada hadleen xaaladda gobolka iyo arrimaha hortabinta u leh Labada dal.

Labada hoggaamiye ayaa dul-istaagay xiriirka labo geesoodka ah iyo fursadaha lagu sii horumarin karo, si loo xoojiyo iskaashiga dhow ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar.

Soomaaliya ayaa shalay ku boorisay Golaha Ammaanka iyo golaha Midowga Afrika inay shir deg-deg ah ka yeeshaan ficillada Itoobiya, ayna taageeraan Soomaaliya si ay u difaacdo madax bannaanideeda dhuleed, ayna ku cadaadiyaan Itoobiya inay dib ugu soo laabato sharuucda caalamka.