7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 3 , 2024
Banaanbax looga soo horjeedo damaca Itoobiya ee Badda oo Maanta Muqdisho ka dhacay

Arbaco, January, 3, 2024 (HOL) - Waxaa Maanta magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ka dhacay Banaanbax aad u balaaran oo ay soo qabanqaabiyeen maamulka gobolka Banaadir, kaasoo looga soo horjeeday heshiis magaalada Addis Ababa ku dhexmaray maalin ka hor madaxweynaha Somaliland iyo Raysal wasaaraha Itoobiya.

Boqolaal dadweyne ah oo isugu jira qeybaha kala duwan ee bulshada oo isaga kala yimid degmooyinka magaalada Muqdisho ayaa isugu soo baxay banaanbaxa, waxaana kala qeyb galay wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaano, maamulka gobolka Banaadir, guddoomiyaal degmo iyo saraakiil ciidan.

Dadka kasoo qeyb galay bannaanbaxa ayaa watay astaanta Calanka Soomaaliya iyo boorar ay ku qoran yihiin halku dhigyo ay ku diidan yihiin in Itoobiya qaadato qeyb ka mid ah badda Soomaaliya.

Masuuliyiintii kala duwaneyd ee ka hadashay banaanbaxa ayaa sheegay in aysan marnaba aqbali doonin in Bada Soomaaliya Itoobiya qaadato, waxayna xuseen in dalkooda ka difaacayaan cadaw kasta oo soo haweysta.

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo la hadlaayay banaanbaxayaasha ayaa  sheegay in Raysal Wasaaraha Itoobiya uu u bareeray ku xadgudubka umadda Soomaaliyeed, kadib markuu heshiis ku sheeg la galay Somaliland.

“Abiy nin Jahawareersan buu ahaan jiray, Eritrea ayuu ku duulay. Suudaan kala qeybinteeda ayuu qeyb ka yahay, Djibouti ayuu la dirirsan yahay, haddana Soomaaliya halkii meel oo u fiyoobeed ayuu dagaal ku bilaabay” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Ugu dambeyntii masuuliyiinta dowladda Soomaaliya ayaa fagaaraha garoonka Kubadda Cagta Injineer Yariisow Shacabkii isugu soo baxay ugu mahadceliyay dareenka wadaninimo iyo sida ay shucuurtooda u cabireen, iyagoona u balan qaaday shacabka Soomaaliyeed inaan marnaba la aqbali karin xadgudub lagu soo sameeyo dhulka Soomaaliya.