7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 3 , 2024
Go'aamo ka soo baxay shir aan caadi ahayn oo Golaha Wasiirada Somaliland yeesheen

Arbaco, January, 3, 2024 (HOL) - Golaha Wasiirada Somaliland oo yeeshay kulan aan caadi ahayn, ayaa taageeray heshiiska Somaliland iyo Itoobiya, iyaga oo sheegay in ay talaabo ka qaadi doonaan cidkasta oo ka hor timaada.

Golaha oo uu shir Guddoominayay Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaciil Saylici, ayaa heshiiska ku tilmaamay mid taariikhi ah, iyaga oo u mahadceliyay dowlada Itoobiya oo sheegtay in ay noqonayso dalkii ugu horeeyay ee Somaliland aqoonsada.

Goluhu waxa uu cambaareeyay diidmadii ay Soomaaliya ka muujisay heshiiska labada dhinac, wuxuuna dowlada federaalka ugu baaqay in ay ka waantowdo diidmada, waxayna sheegeen in ay taasi ay dhaawacayso nabadgalyada gobolka Geeska Afrika.

"Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland waxay bulshada caalamka u cadaynayaan in dhawaaqyada ka imanaya Soomaaliya uu ka soo hor jeedo dhammaan heshiisyadii ay hore u gaadheen Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Soomaaliya" ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay kulanka golaha.

Dhinaca kale, golaha ayaa  dawladaha caalamka ugu baaqay in ay ku dhiirradaan oo ay aqoonsadaan Somaliland, si la mid ah sida ay yeeshay Jamhuuriyadda Federal-ka Itoobiya, sida lagu yidhi qoraalka golaha wasiirada.