7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 3 , 2024
Somaliland oo sheegtay in dowlada Soomaaliya anay joojin karin heshiiska ay la gashay Itoobiya
 

Arbaco, January, 3, 2024 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in Soomaaliya anay hakin karin heshiiska Somaliland iyo Itoobiya, isla markaana anay jirin wax Soomaaliya ka khuseeya howlaha Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Ciise Kayd Maxamuud oo waraysi siiyay Idaacada BBC Somali, ayaa sheegay in Somaliland ay xor u tahay in anay heshiis la gasho dalkasta oo ay doonto.

"Waddamada aanu xidhiidhka la leenahay Soomaaliya wax ka khuseeyaa ma jiraan, xornimadayada 1991 ayaanu la soo noqonay, markaa runtii wax khusayn kara Soomaaliya ma jirto, xor ayaanu u nahay in aanu waddankaanu doono xidhiidh la yeelano" ayuu yidhi Wasiir Kayd.

Wasiirku waxa uu sheegay in saldhiga millateri ay Itoobiya kaga badasheen baahi ay Somalilland qabtay muddo 30 sanno ah, taasi oo ah aqoonsi, iyo iskaashi dhaqaale, iskaashi millateri, tacliineed, siyaasadeed iyo mid caafimaad.

Dhinaca kale dowlada Itoobiya ayaa si rasmi ah u sheegtay in ay aqoonsanayso Somaliland markii ugu horaysya, iyo in Somaliland saami laga siinayo shirkada diyaaradaha ee Ethiopian Airline, ama shirkada telefoonada.

Heshiiskan oo lama filaan ku noqday bulshada Soomaaliyeed, ayay shalay hordhiciisii madaxda Itoobiya iyo Somaliland ku kala saxeexdeen Addis Ababa.

Hadaba, Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa si wayn uga soo horjeedsaday heshiiska Somaliland iyo Itoobiyada iyada oo ku tilmaantay xad gudub lagula kacay madaxbannaanideeda.