7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 3 , 2024
Itoobiya oo si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay aqoonsanayso Somaliland

Arbaco, January, 3, 2024 (HOL) - Dowlada Itoobiya ayaa markii ugu horaysay xaqiijisay warka aqoonsiga Somaliland, sida lagu baahiyay bogga BBC Nesws Ahmaric.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Mesganu Arga ayaa sheegay in dowladiisu ay Somaliland siinayso aqoonsi buuxa, oo aqoonsigu uu yahay mid kamid ah qodobada ay labada dhinac isla qaateen.

Arga ayaa sheegay in talaabada kowaad ee ay Itoobiya qaadaysa ay tahay aqoonsiga Somaliland, si ay u hesho bad ay isticmaasho, hadalka wasiirka ayaa sii xoojinaya hadalkii Madaxweyne Muuse Biixi ee aqoonsiga Itoobiya.

Dowlada Soomaaliya ayaa dhankeeda si wayn uga soo horjeedsatay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya, iyada oo u yeedhay safiirkeedii Addis Abbaba, dhanka kale Midowga Yurub ayaa cambaareeyay heshiiska.

Somaliland ayaa dhankeeda sheegtay in heshiiska la dhamaystirayo, oo anay dowlada Soomaaliya wax shaqo ah ku lahayn.