7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 3 , 2024
Banaabax balaaran oo looga soo horjeedo heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya oo Muqdisho ka socda
 

Arbaco, January, 3, 2024 (HOL) - Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaa haatan ka socda banaanbax balaaran oo looga soo horjeedo damaca dowladda Itoobiya ee ku aadan iney hesho 20KM oo ka mid ah Biyaha Soomaaliya.

Banaanbaxa oo bilaawday subaxnimadii hore ee saakay ayaa marba marka ka dambeysa sii xoogeysanaya, wuxuuna si gaar ah uga socda Garoonka Kubadda Cagta Eng. Yariisow Stadium.

Ciidamo aad u farabadan ayaa taagan wadooyinka muhiimka ah, kuwaasi oo ka qayb qaadanaya sugida amaanka guud ee dibadbaxayaasha.

Qeybaha kala duwan ee shacabka reer Muqdisho ayaa ka qayb qaadanaya banaanbaxa, kuwaas oo wata boorar ay ku qoran yihiin erayo ka dhan ah damaca Itoobiya ee heshiiska Somaliland kula gashay iney hesho qeyb mid ah Badda Soomaaliya.

Masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda ayaa lagu wada iney ka qayb galaan banaanbaxa oo uu ugu horeeyo guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale.

Dhinaca kale banaanbax lagu taageerayo heshiiska ay wada gaareen Somaliland iyo Itoobiya ayaa Xalay ka dhacay magaalada Hargeysa.