7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 3 , 2024
Bannaanbaxyo lagu taagerayo heshiiska Itoobiya iyo Somaliland oo Hargaysa ka dhacay xalay
 

Arbaco, January, 3, 2024 (HOL) - Madaxda Somaliland ayaa kumanaan dad ah oo taageersan heshiiska Itoobiya iyo Somaliland kula hadlay badhtamaha suuqa Hargaysa xalay.

Dadwaynaha isku soo baxay ayaa ku dhawaaqayay erayo ay ku taageersanyihiin heshiiska Somaliland iyo Itoobiya, islanmarkaana ay kaga soo horjeedaan diidmada dowlada Soomaaliya, iyadoo madax kala duwan oo xukuumada ka tirsani ay ka qaybgaleen isu soo baxa.

"Waad maqlayseen dowladii Xamar waxa kasoo baxay, diidmada ay jeediyeen, macnaheedu waxa weeyi qaranimadiina la diidanyahay, dowladnimadiina la diidanyahay, jirtaankiina la diidanyhay" Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland ayaa sida ugu qudbadeeyay dadwayne ku dabaaldagayay Khayriyada Hargaysa.

Somalind iyo Itoobiya ayaa gaadhay heshiis is faham ah oo ay Somaliland saldhiga millateri ku siinayso ciidamada Itoobiya, iyada oo ay Somaliland ku badalanayso in ay hesho aqoonsi, iskaashi dhaqaale iyo siyaasadeed.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa si cadho leh uga jawaabtay qorshaha heshiiska iyada oo la baxday safiirkeedii Addis Ababa.