7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 22, 2023
Qalbidhagax " ONLF waxay maraysaa xaalad aad iyo aad u liidata oo u baahan in la badbaadiyo"
 

Arbaco, November, 22, 2023 (HOL) - Cabdikariim Sheekh Muuse oo loo yaqaano Qalbidhagax kana mid ah hoggaaminta u sarreysa ee ONLF, oo Warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay xaaladda uu ururku wakhti xaadirkan marayo iyo khilaafka iyo kala qaybsanaanta ka dhex jirta gudaha ONLF, isagoo dhinaca kale eedaymo culus usoo jeediyay Guddoomiyaha ONLF Cabdiraxman maadey ee uu ku sugan yahay xisbiga ONLF.

Ugu horreyn Cabdikariim waxa uu sheegay in khilaafka ka dhex jira ONLF uu muddo soo jiitamayay walina aan xal loo helin, isagoo xusay in marar badan la iskudayay in xal laga gaaro khilaafkan oo la isu keeno labada dhinac ee ONLF u kala fadhido, balse ay wax ka dhaqaaqi la yihiin dhinaca guddoomiyaha ONLF Cabdiraxman maadey oo uu ku sheegay inuu ka weecday tabihii lagu xalllin lahaa khilaafaadka ONLF, waa siduu hadalka u dhigay Cabdikariim Sheekh Muuse.

"Guddoomiyuhu wuxuu xaq u lahaa in wixii khilaaf ah ee ka jira ONLF inuu ula laabto xeerka khilaafaadka uga yaalla ururka, inuu latashi lasameeyo madaxda kale ee ururka iyo inuu tanaasul iyo dulqaad muujiyo, intaasoo qodob oo ahayd in loo maro xalinta khilaafyada Guddoomiyuhu muusan isticmaalin wuuna baal maray," ayuu yiri Cabdikariim Sheekh Muuse.

Waxa kale oo Cabdikariim sheegay in qaar kamid ah madaxda ONLF oo isagu ka Cabdikariim ahaan uu ku jiro, oo aan raacin labada qaybood ee ururku u qaybsamay ay marar kala duwan la tashiyo lasameeyeen labadaas qaybood, sidoo kalena sigaar ah ula tashaday Guddoomiyaha ONLF, oo kala hadlay sidii la isugu keeni lahaa ONLF, Cabdikariim Sheekh Muuse waxa uu xusay in Guddoomie Maadey uusan marna aqbalin talooyinkii loosoo jeediyay ee loo arkayay in ONLF lagu badbaadin karo, waa siduu hadalka u dhigay Cabdikariim Sheekh Muuse.

Dhinaca kale Cabdikariim Sheekh Muuse waxa uu farriin u diray xubnaha iyo taageerayaash ONLF, isagoo sheegay in ONLF ay marayso xaalad u baahan in la badbaadiyo " Qadiyadda ONLF waxay maraysaa xaalad aad iyo aad u liidata oo u baahan in la badbaadiyo, waa in xubnaha ONLF meel kasta oo ay joogaan isutaagaan badbaadada qaddiyadda ONLF, oo ay ka badbaadiyaan qof iyo wax jeclaysigiisa gaarka ah, Qadiyadda ONLF maha qadiyad xil lagu raadsan karo, qadiyad la qabiilayn karo ma aha", ayuu yiri Cabdikariim Sheekh Muuse.

Ugu dambayn waxa uu Cabdikariim Sheekh Muuse xusay in haddii ONLF laga badbaadin waayo xaaladda ay ku jirto inay noqonayso kaliya taariikh mar lasoo maray, ummaddana ay noqon doonto mid ka baxda saaxadda siyaasadda oo la dhalan rogo oo la dulleysto, waa siduu hadalka u dhigay Cabdikariim Sheekh Muuse.

Khilaafka ka dhex jira gudaha ururka ONLF ayaa sababay in ururkii uu labo garab noqdo, walina aan wax xal ah loo helin khilaafkaas inkastoo Guddoomiyaha ONLF uu horey u sheegay in lamidayn doono ururka xalna laga gaari doono wixii khilaaf ah ee ka jira gudaha ONLF, haddana xubno kamid ah ururka iyo dadka qaarkii ayaa aaminsan in isla guddoomiyaha uusan diyaar u ahayn inuu mideeyo ururkii oo uu xaliyo khilaafaadka ka dhex jira ONLF.