7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 22, 2023
Shiinaha oo ugu deeqay Soomaaliya 139,318,45 si kor loogu qaado gargaarka fatahaadaha
 

Arbaco, November, 22, 2023 (HOL) - Hay’adda Maareynta Musiibooyinka SODMA, ayaa safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ka gaddoontay deeq lacageed oo dhan $139,318.45, taasoo lagu taageerayo sidii gargaar deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadkii ku waxyeeloobay fatahaadda.

Mahamud Moallim Abdulle, Guddoomiyaha SoDMA, ayaa ku bogaadiyay dowladda Shiinaha deeqdan lacageed ee ay ka heleen, isagoo ku nuux-nuuxsaday muhiimadda xiriirka fog ee u dhexeeya labada dal.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ka codsaday dowladaha caalamka in ay gargaar lasoo gaaraan dadka Soomaaliyeed ee isugu darsantay fataahadaha iyo colaadaha muddada dheer ah.

Fei Shengchao, Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, ayaa sheegay in taageerada loo fidiyo dhibanayaasha fatahaadaha Soomaaliya ay muujineyso sida ay Beijing uga go’an tahay xoojinta iskaashiga kala dhexeeya Soomaaliya.

Safiirka ayaa sheegay in Dowladda China ay mar walba garab taagantahy shacabka Soomaaliyeed ee xaladdaan adag ku jira isagoo sheegay in gargaar iyo taakula kalana ay dhawaan bilaabi doonaan, sidoo kalana ay ka qayb qadan doonto dhismaha kaabayasha ku burburay roobabka iyo dhismaha biya xireenno.

Deeqdan ayaa timid iyadoo Qaramada Midoobay ay ka digtay khatarta ay daadadka iyo fatahaaduhu u geysan karaan dadka ku nool deegaannada ay saameynta ugu daran ku yeesheen roobabkii Dayrta.