7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 22, 2023
Somaliland oo sheegtay in Garaadada SSC Khaatumo ay bixiyeen amarka dagaalka saaka ka dhacay gobolka Sool
 

Arbaco, November, 22, 2023 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in dagaalka saaka ka dhacay deegaanka Yayle ee gobolka Sool, uu yahay mid loola jeedo in lagu dajiyo xaalada siyaasadeed ee Puntland.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cali Maxamed Xasan Cali Mareexaan, ayaa sheegay in Garaadada SSC Khaatumo, oo qaar kood ku suganyihiin Garoowe ay amreen dagaalka saaka si loo jiheeyo shacabka iyo siyaasiyiinta Puntland.

"Saaka dagaal baa laydinku soo qaaday, weerarka waxa amarkiisa bixiyay guddida garaadada ah ee Laascaanood ka tagay ee Garoowe jooga, sababtay u bixiyeena waxa weeyaan, buuqa iyo qaylada Garoowe ka taagan in ay ku damiyaan ayay rabaan intay dadkooda dagaal galiyaan" ayuu yidhi Cali Maxareexaan.

Wasiirku waxa uu bulshada ugu baaqay in ay isdifaacaan iyaga oo midaysan, isaga oo sheegay in dagaalku yahay mid xaalada Puntland ka taagan lagu dajinayo.

Dagaal xoogan oo aan laga warhayn in uu hada istaagay iyo inkale, ayaa saaka subixii hore ka qarxay deegaanka Yayle ee gobolka Sool, halkaasi ay dhinacyadu sheeganayaan in ay kala qabsadeen maxabiis iyo baabuur ciidan.

Dhinaca kalena xukuumada oo dagaalka warsaxaafadeed kasoo saartay, ayaa sheegtay in kooxo argagixiso ah iyo ciidanka Puntland ay soo weerareen ciidankeeda, isla markaana ay si xoogle iskaga difaaceen.

SSC Khaatimo ayaa iyaduna dhankeeda Somaliland ku eedaysay in ay masuul ka ahayd dagaalka saaka, isla markaana ay soo weerartay guddi odayaal ah oo deegaanka hawlo nabadayn ah u joogay.