7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 22, 2023
Dowladda Soomaaliya oo si rasmi ah u mamnuucday isticmaalka 1xbet

Arbaco, November, 22, 2023 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u mamnuucday isticmaalka adeegga 1xbet ee qamaarka lagu cayaaro, ka dib markii dowladdu ay sheegtay inuu isticmaalkiisu kasoo horjeedo diinta iyo sharuucda dalka.

Bayaan rasmi ah oo kasoo baxay guddiga ka hortagga maalgalintaa argigixisada iyo lacag dhaqidda, ayaa lagu sheegay, in 1xbet uu saamayn xun ku yeeshay dhaqaalaha dadka, dhaqanka bulshada iyo amniga dalka.

Guddigan ayaa wuxuu ku amray shirkadaha maaliyadda ka shaqeeya in aysan la macaamilin cid kaste oo ku lug leh 1xbet, sidoo kalena ay xiraan xisaabaadka maaliyadeed ee ay ku leeyihiin shirkadahooda maaliyadeed.

Dowladda ayaa horey u mamnuucay ixbet, TIKTOK iyo Telegram, hase ahaatee, qeylo dhan bulshada ka timid ayay dowladdu u hakisay in la mamnuuco adeegyadan.