7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 22, 2023
SSC Khaatumo oo Somaliland ku eedaysay dagaal balaadhan oo saaka gobolka Sool ku dhexmaraya ciidamada Somaliland
 

Arbaco, November, 22, 2023 (HOL) - SSC Khaatumo oo ka warbixisay dagaal balaadhan oo saaka degmada Yeyla iyo deegaano kale oo gobolka Sool ah ciidankooda iyo Kuwa Somaliland ku dhexmaraya, ayaa Somaliland ku eedaysay in ay weerarka ku horeeyeen.

Qoraal kasoo baxay SSC Khaatumo, ayaa lagu sheegay in saddexdii maalmood ee ugu danbeeyay ay degmada Yeyle isaga daba tageen wufuud nabadayn ah oo ka kooban isimmo, cuqaal iyo waxgarad Kale oo uu hoggaaminayo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil si nabada loo adkeeyo, lakiin ay ciidamada Somaliland nabada jabiyeen saaka.

"Nasiib-darro saaka oo ah 22 November Ciiddammada Muuse Biixi oo fulinaya baaqii colaadeed ee ka soo yeedhay 21 November 2023, Guddoomiyaha Golaha Guurtida Maamulka Muuse Biixi ayaa waxay weerar fulaynimo ah ku soo qaadeen degmada Yeyle iyo goobihii ay ku sugnaayeen waftigii nabadayntu, weerarkii ka dhashay duullaankaas ayaa illaa hadda soconaya".

Waxa qoraalka lagu sheegay in Ciiddammada SSC-Khaatumo ay iska difaaceen weerarka, oo ay ku tilmaameen mid fulaynimo ah, islamarkaana ay ku guulaysteem in ay dib ugu celiyaan Ciidanka Somaliland goobihii ay ka soo duuleen.

Waxa kale oo lagu sheegay in Ciidamada SSC-Khaatumo ay gacanta ku dhigeen maxaabiis iyo gaadiid dagaal, kuwaasi oo saxaafadda loo soo bandhigi doonno.

"Waxaanu ugu baaqaynaa Shacabka weynaha iyo Ciiddammada Difaaca SSC-Khaatumo in ay u diyaar-garoobaan difaaca deegaankooda iyagoo aan cidna duullaan ku ahayn" ayaa lagu yidhi qoraalka.

Ugu danbayn, qoraalka ayaa lagu sheegay in SSC Khaatumo ay doonayso in ay nabad kula noolaato dadka dariskeeda ah, isla markaana ay diyaar u tahay in ay difaacdo deegaankeeda.