7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 22, 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh oo shaaciyay dagaal sadax jiho ah oo dowladda la galeyso Al-shabaab
 

Arbaco, November, 22, 2023 (HOL) - Madaxweyne dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay dagaalka dowladiisa la gashay kooxda Al-shabaab iyo aragtidiisa ku aadan Mustaqbalka fog ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarunta Cilmi Baarista Amniga RUSI ee magaalada London, kaga qeybgalay kulan uu uga hadlay dagaalka dowladiisa ay kula jirto Al-shabaab ayaa shaaca ka qaaday in dowladda ay dajisay qorsheyaal cusub oo ka dhan ah kooxda.

"Dagaalka dalka looga xoreynayo kooxda  dowladdu waxay u dajisay siyaasad cad oo lagula diriraayo argagixisada taas oo ay saldhig u tahay in la qaado dagaal Saddex jiho ah Dagaal Military, Dagaal dhaqaale iyo Dagaal fikir oo lagu baabi’inayo fikirka guracan ee Khawaarijta" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale sheegay madaxweynaha Soomaaliya in howlgalada ka dhanka Shabaab lagu xureeyay in ka badan 80 deegaan oo ay horay uga talin jireen Al-shabaab, islamarkaana dowladda federaalka ay gaarsiisay deegaanadaas adeegyadda aasaasiga ah sida waxbarasho bilaash ah, caafimaad iyo biyo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda ee la wareegidda masuuiyadda amniga dalka iyo ka bixitaanka ciidamada ATMIS ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladda ay dadaal xooggan galisay dib u dhiska ciidamada qaranka ayna ka go’antahay in waqtiga kooban dalka looga xureeyo kooxda Al-shabaab, islamarkaana ciidamada AMTIS ay dalka ka baxayaan dabayaaqada sanadka soo socda ee 2024.

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka ayaa saaxiibada caalamiga ee taageera dib u dhiska iyo horumarka Soomaaliya ka dalbaday iney laba jibaaraan dadaalkooda garab istagga Soomaaliya, isagoona sidoo kale ku amaanay shacabka Soomaaliyeed doorkooda ku aadan halganka dib u xoreynta oo uu tilmaamay inay aasaas u yihiin guulaha muuqda ee ciidamada qaranka kasoo hooyeen dib u xoreynta dalka.