7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 22, 2023
Odayaal si dhaw ula shaqeynaayay Al-shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka dowladda
 

Arbaco, November, 22, 2023 (HOL) - Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ka wada xadka ay wadagaan gobolada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe ayaa warbaahinta u soo bandhigay laba ka mid ah odayaasha dhaqanka ee la shaqeeynaayay kooxda.

Odayaashaan lasoo bandhigay ayaa magacyadooda lagu kala sheehay Cali Maqane iyo Axmed Cali Gadaf, kuwaas oo Al-Shabaab u qaabilsanaa uruurinta xoolaha qaybo ka mid ah gobolada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe.

Ragaan odayaasha ah ee isku soo dhiibay ciidanka dowladda fedaraalka ayaa ka mid ahaa odayaasha sida weyn ula shaqeeynaayay Al-shabaabka ku sugan deegaanada Ceeldheer iyo Coosweyne ee gobolka Galgaduud.

Isa soo dhiibista odayaashan la shaqeenaayay Al-shabaab ayaa kusoo aadeysa, iyadoo dhawaan ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka howlgal ay ka fuliyeen gudaha deegaanka Ceeldheer ay kusoo qabteen sarkaal ka tirsan kooxda Al-shabaab oo kasoo jeeday deegaankaas.

Gobolada Galgaduud iyo Mudug waxaa wali ka socda howlgalada ka dhanka ah Ururka Al-shabaab, iyadoo dhul ballaaran looga xureeyay kooxda howlgalada ay wadaan ciidanka dowlada iyo kuwa dadka deegaanka.