7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 22, 2023
Jubbaland oo shaacisay khasaaraha ka dhashay daadadka iyo fatahaada wabiga Jubba
 

Arbaco, November, 22, 2023 (HOL) - Maamulka Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday iney sii korortay tirada dadka ku dhintay daadadka iyo fataahada Wabiga Jubba uu ka sameeyay deegaanada Jubbaland.

Agaasimaha Wasaarada Gargaarka iyo Maareenta Masiibooyinka maamulka Jubbaland Aadan Faarax Gaarane ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in dadka ku dhintay daadadka iyo fataahada wabiga Jubba iney gaartay ilaa 20 ruux.

Wuxuu sidoo kale sheegay Agaasimaha iney ku barakaceen daadadka iyo fatahaada wabiga Jubba ka sameeyeen deegaanka maamulkaas dad ku dhaw nus milyan ruux.

"Daadadka iyo fatahaada waxay geysteen khasaare nafeed, mid maaliyadeed iyo barakac xoogan, dhimashada waxay gaartay Jubbaland 20 ruux, waxaa xaalad go’doon ah ku jira in ka badan 100 kun oo qoys, waxaa sidoo kale go’an waddooyin muhiim u ahaa nolosha dadka iyadoo ay adag tahay in meelaha qaar la gaaro, si gargaar loogu geeyo dadka dhibaateysan" ayuu yiri Agaasimaha Wasaarada Gargaarka iyo Maareenta Masiibooyinka Jubbaland Aadan Faarax Gaarane.

Agaasimaha ayaa tilmaamay in meelaha ugu daran haatan ay ka mid yihiin deegaanada gobolka Jubbada Dhexe iyo Gedo, isagoona sidoo kale xusay in biyuhu burburiyeen buundooyinkii Baardheere iyo Buurdhuubo oo muhiim u ahaa isku socodka.

Daadadka iyo fatahaada wabiyada Shabeelle iyo Jubba ayaa si weyn u saameyay nolosha boqolaal kun oo Soomaali ah oo ku kala nool gobolada Jubbooyinka, Gedo, Hiiraan, Baay, Bakool iyo deegaano kale, waxaana xusid mudan in dadka ku dhintay ay kor u dhaafeen 50 ruux.