7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 22, 2023
Dagaal u dhexeeya Ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC Khaatumo oo ka socda deegaanka Yayle ee gobolka Sool
 

Arbaco, November, 22, 2023 (HOL) - Dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC Khaatumo, ayaa saaka ka socda deegaanka Bisiqa oo ka tirsan deegaanka Yeyle ee gobolka Sool.

Dagaalka ayaa sida lagu waramayo ah mid aad u culus, inkasta oo aan wali laga hayn xog buuxda oo ku saabsan deegaanada uu sida rasmiga ah uga socdo iyo inta uu leegyahay khasaaraha ilaa hada labada dhinac soo kala gaadhay.

Ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC Khaatumo ayaa dhawaanahan isku horfadhiyay deegaamada Buqdharkayn iyo Yayle oo ay dagaalo hore ugu dhexmareen labada dhinac.

Dagaalka ayaa waxa kale oo qayb ka ah ciidamo beeleed isku magacaabay SSB, oo garabsiinaya ciidamada Somaliland ee aagaa ku sugan.

Ciidamada SSC Khaatumo ayaa dhawaan dab qabadsiiyay tuulada Buqdharkayn, kadib markii ay sheegeen in dad kasoo duulay aaga Buqdharkayn ay laayeen dad reer miyi ah, oo dagan meel bari ka xigta tuulada.

Kadib gubista Buqdharkayn Isimada SSC Khaatumo ayaa nabad ku baaqay, iyado qaar kamid ah salaadiinta dhinaca Somaliland-na ay diideen in ay nabada la qaataan.