7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 22, 2023
Isticmaalka Doomahii ka dhex shaqeynaayay xaafadaha Baledweyne oo maanta hakad ku jira
 

Arbaco, November, 22, 2023 (HOL) - Waxaa maanta gabi ahaanba hakad ku jira isticmaalka doomahii la isaga kala gooshi jiray gudaha xaafadaha magaalada Baledweyne iyo xaafada loo barakacay ee Ceell jaalle ee dhacda duuleedka magaalada.

Hakadka ku yimid isticmaalka doomaha isaga kala gooshayay gudaha magaalada ee dadka ay saameeysay Fatahaada ayaa yimid kadib markii gilinkii danbe ee shalay la sheegay in labo askari oo ka tirsan ciidanka Booliiska Baladweyne ay rasaaseeyeen doonta oo xiligaas lagu waday dad xanuusan.

"Maanta shaqo ma jirto sababto ah waxaa shalay rasaas ina huwiyay askar ka tirsan Booliiska Hirshabeelle oo doonayay in si xoog ah kuso raacaan doonta oo waqtigaas saarnayeen dad xanuunsan oo loo waday duuleedka magaalada" ayuu yiri mid ka mid ah dhalinyarada ka shaqeysa doomaha.

Hakadka shaqada Doomaha ka dhax shaqeynaayay xaafadaha Baledweyne iyo goobaha loo barakacay ayaa saameeyeen weyn ku yeelaay dadka go'doonka ah ee adeeg yada kala duwan loogu qaban jiray doomaha.

Xaalada ayaa kasii dari doonta hadii shaqada doomaha ay dib u soo laaban wayaan, maadama doomaha ay daabuli jireen dadka xanuunsan ee laga dhex saarayo biyaha, halka kuwa ku dhex go'doonsana loogu soo gudbin jiray adeegyo muhiim u ah.