7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 24, 2022
Golaha Shacabka oo berri yeelanaya kulan kaddib codsi ka yimid xafiiska Ra’iisul Wasaaraha

Axad, Luulyo, 24, 2022 (HOL) - Xildhibaannada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri kulan ku leh xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa, kaddib codsi ka yimid xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa saacadihii dambe ee shalay kulan la qaatay guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, iyagoona usoo jeediyay in muddo toban maalmood oo dheeraad ah loogu daro Ra’iisul Wasaaraha si uu u sii dhammeystiro wadatashiyada ku saabsan dhismaha Golaha Wasiirrada.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijiyay in guddoonka codsiga Ra’iisul Wasaaraha uu hor dhigi doono baarlamaanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 15-ka bishii hore ee June xildhibaan Xamza Cabdi Barre oo ka tirsan xisbiga Madaxweynaha ee UPD u magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Tan iyo sannadkii 1960-kii dhaqanka siyaasadda Soomaaliya ayaa ahaa in Ra’iisul Wasaaraha uu Golihiisa Wasiirrada kusoo magacaabo muddo 30 maalmood ah, balse lama ogga waxa uu noqon doono go’aanka xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]